“Caaqil Dambe iyo Suldaan Dambe oo iska soo Cummaamata oo Dawladdu Aqoonsanaysaa Ma Jiro” Wasiirka Arrimaha Gudaha

 

 

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa shallay mar uu la hadlayey qaar ka mid ah madaxdhaqameedka  Somaliland ayaa waxa uu sheegay in aan imika wixii ka dambeeya wasaaradda arrimaha guduhu aqbali doonin oo aannay aqoonsanayn caaqil ama suldaan ay reerkiisu iska cumaamataan, qawaaniinna laga soo saari doono maadaama oo tiradoodu bateen.

 

 

Wasiirku isaga oo qaraarkaa ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaad moodaa in uu biyo dhacayo ama uu badanayo si qayrul caadi ah numberka madaxdhaqameedka, hadday yihiin salaadiinta iyo hadday yihiin cuqaashaba. Taa waxa aannu ku sheegnay in aannu sanadka awalkiisii soo saarnay qaraar kaasoo odhanaya in aan la ictiraafi doonin suldaan dambe oo la sameeyo ama caaqil dambe oo iska soo cumaamata ilaa laga samaynayo sharci lagu qiimeeyo cidda suldaan ama caaqil noqonaysa”

 

 

Warrancadde waxa uu sheegay shuruudaha ku xidhan caaqilnimida iyo shuruuddii hore ee wax laga bedelay waxaanna uu yidhi “Cuqaasha shuruudahooda waxa ka mid ahaa in uu caaqilku bixin karo hadday maggi ku soo hooyato. Xeerkan cusubna waxa ugu horeeya in caaqilka qoyskiisu ay bixin karaan saddex maggood oo mar u soo wada hoyday, taa waxa looga jeedaa in nabad gelyada la ilaaliyo oo aan caaqilka ama qoysku odhan waxaa dhacay ma qaadi karno ama aannay ka soo bixu doonin shuruudahaa. Sidaas awgeed qawaaniin baannu soo wadnaa gobolada oodhan waannu marinaynaa, waxa aanaanu u sheegaynaa caaqil dambe iyo suldaan dambe oo iska soo cumaamata oo dawladdu aqoonsanayso in aannu jirin”

 

 

 

https://youtu.be/6LnI_fTGTuc