Caalin Baad Is Moodee ,Cirka Maadigaa Tagay (Jawaabtii heestii dhaglas ee cusbeyd)

Heestan ‘Caalin Baad Is Moodee ,Cirka Maadigaa Tagay’, Waxay Jawaab u tahay Heestii Abwaan Maxamed Xasan Dhaglas Erayadii Abwaan Axmed C/laahi Maxamud Axmed Fartaag.

Abwaan-Axmed-Cabdilaahi-Maxamud-Axmed-FartaagCad kuwaad wadaagtaan
Cadaw laguma sheegoo
Canaantiyo dhaliiilaa
Colaad looma qaatee
Cunsur iyo qabiil iyo
Car i taabo maahoo
Carab dalable suugaan
Cadho looma heesoo
Fanka lama calaashado
Ciirsi ruuxa kuu xiga
Cay looma quudhee
Cadaaba– Illaahay
Adiguba ka cararoo
Casarkiyo Salaadaa
Cibaadayso taadaaa
Caawin kaaga baahane

Ceebaysay shacabkaad
Cayayaan ku sheegtoo
Caalin baad is moodee
Cadceediyo xidigahana
Cirka maadigaa tagay

Caadilkeen wuxuu qoray
Calafkiyo arsaaqdana
Cidi kuma su,aaline
Caadkiyo daruuraa
Cago laguma gaadhee
Caruurtaa tilmaan Awr
Cirka loogu sheegaa
Cidi sooma raratooo
Cayn laguma giijee
Ninkastaaba ceesaan

Ayuu ceelka keeneee
Caqligaaga uun hadal
Cilmiyahan aqoonliyo
Codkar baad ku faantoo
Nafta waad cajibisee
Yaa kuu cumaamaday

Ceebaysay shacabkaad
Cayayaan ku sheegtoo
Caalin baad is moodee
Cadceediyo xidigahana
Cirka maadigaa tagay