“Caafimaadkii dad badan oo aan ehel u ahayn ayuu gacanta ugu jiraa, laakin waxay taagan tahay wakhtigii sharciyadda lagu soo dabbaali lahaa”

NIMCO-XUSEENHargeysa (SLpost)- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, ayaa sheegtay in Caafimaadka ka baxday gacmaha dawladda, , una gacan galay dad aan ehel u ahayn oo xirfaddoodu halis gelin karto caafimaadka dadka.

Nimco Xuseen Qawdhan  oo ka qayb-gashay Munaasibad maanta loo sameeyey xil-wareejinta guddoomiyaha cusub ee Ururka Dhakhaatiirta Somaliland oo dhowaan lagu doortay Hargeysa, ayaa sheegtay inay ku sababay in Xirfadda Caafimmaad gacanta dawladda ka Baxdo muddadii 23 sanno ahayd ee dalku ka soo kabanayey burburkii ku yimi wixii ka dambeeyey dalweynihii laysku odhan jiray Somalia.

“Haddii aan ka hadlo Caafimaadka Somaliland, waxaynu garan karnaa inuu yahay dal burbur ku dhacay oo 23-sanadood burbur ku jirey caafimaadkana dad badan oo aan ehel u ahayn ayuu gacanta ugu jiraa, laakin waxay taagan tahay wakhtigii sharciyadda lagu soo dabbaali lahaa,”ayay tidhi Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Nimco Xuseen Qawdhan.

Wasiirku waxa ay ururka dhakhatiirta u soo jeedisay noqdaan kuwa ugu horreeya ee dhaqan-geliya Sharcigan ay kaga dhawaajisay ee dawladdu u samaysay inay ku maamusho xirfadleyaasha Caafimaadka, waxaanay tidhi,”Waxaynu og-nahay inaynu sameynay ururka xirfadlayaasha Caafimaadka Somaliland, waxaana loo baahan yahay inay ururka dhakhaatiirta Somaliland uu ka mid noqdo cidda ugu horeysa ee sharciyada fulinaysa oo ay ka bilaabaan dhamaan dhakhaatiirta ka diwaangashan sidii ay ruqsadana uga qaadan lahaayeen, una caddeyn lahaayeen shahaadadooda, ururada kale ee Caafimaadka haday yihiin laboratariga,haday yihiin farmasiiyada iyo kuwa kaleba waynu u baahanahay inay dhakhaatiirta dawliga ah iyo kuw gaarka ahba ay ka hawlgalaan.”
Marwo Nimco oo hadalkeeda sii wadday, waxa ay tidhi, “Sharciga waynu sameysanaa haddii aynu nahay Soomaali ku dhaqankiisu wuu inagu adag-yahay.Dalka Somaliland waxa uu ka kooban yahay Gobolo, waxaanad mooda inuu caafimaadku uu ku soo uruuray Caasimada oo kaliya,waxaynu u baahanahay inaynu caafimaadka gaadhsiino umadda, oo caafimaadka umadda idinka (Dhakhaatiirta )u haya ee aad daadjisaan.Wasaarada caafimaadkuna waxay diyaar u tahay inay hawshaasi idin kala shaqeyso.”

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net