Caabuqa Kaadi Mareenka (Urinary Tract Infection), Sababa keena, Calaamadaha iyo sida loola tacaalo

Cudurka kaadi mareenka oo loo yaqaanno UTI, waa cudurka kaadi haysta ama kelyaha haleela.

Sababaha

UTI waxaa laga yaabaa iney keenaan jeermisyada ka yimaada:

  • Kaadi ku harta kaadi haystaada marka aad kaadido ka dib
  • Xannibaad kellida ka dhex jirta ama dhagxaan kellida gala
  • Lur ka yimaada suunka oo laysku giijiyo, nigis layloon ah ama galmo
  • Nadaafad darro
  • Tuunbo la is geliyey si ay kaadida u soo saarto
  • Saxaro

 Calaamadaha

  • Gubasho ama xanuun marka la kaadinayo
  • Kaadi badnaan ama si lama filaan ah qofka u qabata
  • Kaadi dhiig leh, daruur oo kale ah, ama ur xooggan leh
  • Xanuun dhabarka qaybta hoose ah
  • Daal dareemid ama jirrasho

Daryeelka

Dhakhtarka u sheeg calaamadahaaga. Daaweyntaada waxaa ka mid noqon kara:

  • Cabidda ugu yaraan 8 koob oo biyo ah maalin kasta.
  • Ka fogaanshada cabitaannada kafeyiintu ku jirto, sida qaxwada, shaaha iyo cabitaannada fudud.
  • Antibiyootik qaadasho. Antibiyootikada oo dhan u qaado sida lagu amray ilaa ay Quraaraddu ka dhammaato. Haddii aanad daawada oo dhan wada qaadannin, cudurku wuu kugu soo noqon karaa ama wuu ka sii dari karaa.

Siyaabaha looga Hortagayo UTI

  • Nadiifi cawradaada.
  • Tuunbada shabaqa ah ku maydho halkii aad tuunbo biyo xooggan kaga maydhan lahayd.
  • Kaadi haystaada faaruqi dhowrkii saacadood ee kasta xataa haddii aanad dareensaneyn iney buuxdo.
  • Haweeenku waa iney mar walba cawradooda biyaha horey ka soo raaciyaan oo xagga dambe u raaciyaan markay musqusha tagaan ka dib.
  • Bannee kaadi haystaada galmada ka hor iyo ka dib.
  • Xidho nigis suuf ah iyo surwaal dabacsan.
  • Cab 8-10 koob oo cabitaan ah maalintiiba. Ku darso cabitaannada ay ku badan Fitamiin C, sida burtuqaalka ama casiirka.
  • Ka fogow aalkolo iyo cuntooyin iyo cabitaanno kaafeyn leh.

Isla markiiba dhakhtarka la xidhiidh haddii:

  • Aad isku aragto calaamadaha UTI
  • Aad isku aragto lalabo ama matagid
  • Aad isku aragto dhabar xanuun
  • Ay dhibaato kaa haysato daawooyinkaaga
  • Aanad daaweynta kaga soo raynin muddo 48 saacadood ama calaamadahaagu ay kaga sii daraan 24 saacadood