BUUR MADOW WAXEEDII LASOO NOQOTEY

BUUR MADOW WAXEEDII LASOO NOQOTEY
                             Qalinkii : Libaan Xaaji Fagadhe      01/04/2013  
 
 

DHULKAA QIIRADA IFAREY
XUSUUS BAA TIDHI BAL DHUGO
DHADHAMI WAA YIHII DORAAD
WIXII DHACEY DIB UGU NOQO
( Waa murtii Abwaan Cali Seenyo)

 
Akhriste Qormooyinkeygu  waa hogol-tusaaleyn ,uhiilisa dadka loo awood sheegto,waa hub aan ka horgeynaayo  qofkastoo ku howlan heyb kalsooc,waa holac lagu gubaayo dulmiga,waa mid hareer taagan halyeyga ,waa mid u hadleysa  hooyadii hanadkeeda weydey ,waa mid hal u odhaneysa umadan la heerey ,waa mid halgamayaasha ubadkii ay dhaleen hanti aan ugu deeq.
Umadi waxay gadoodaa,gilgilataa,gobo’da ka dashaa markay arkaan gaabis iyo gumaad ,waxay gartooda naqsadaan markaan arkayaan garowshiiyo .
 
Maqaalkani waxa uu ku saabsanyey hirdanka kulmiye gaar ahaan muuse biixi iyo samaale waa mid ka gundheer labadooda ,bal waxaad dib ugu noqotaan wakhtigii uu noqdey gudoomiyaha Snm Madax wetnaha maanta 1984 kii oo mudo yar kadib dadkii mideysnaa ee walaalaa ahaa ee meel qudha ku wajahnaa ukala fadhiisteen Habar habar,Beelbeel,Ardaa ardaa,Bahobaho,Gaashaan-buureysi, waxaa ka dhex dilaacey beesha waqoyiga hargeysa iyo galbeedka  oo ka mid aheyd ardaayadaa yo bahahaa dadka uu ukala dhigey oo xanaftii ay reebtey ay dhawaan uun dadka kabaxdey ayaa bilaabantey .
 
Ilaashaley Odeyada labada geesood ee ka kala socdey Muuse iyo Samaale ayaan warbaahinta ka arkaayey in lagu kala kacey ,hadaba waxaan odhan lahaa Walaala yaal waxaad moodaa ilaa wakhtigaa in somaliland inteeda kale aaney uga suuragalin xisaabahani oo dadka kale Yur iyo Yelba leeyihiin ee maxaa sababey inay meeshaasi noqoto meel uu markasta si fudud uga fushado arimihiisa waa yaab?
 
Arintan ay shaley odayaashu ku kala kaceen waa arintii Gar adag  odayaal idiinkoo kala ahi ay ku dhameeyey oo ay isku gacan saareen siilaanyo iyo saleebaan oo iyaga khilaafaad koodu ka gundheeraa kana xumaa dhameeyey .Maanta waxa la gudboon oo inalawada gudboon si xisbiguna ubadbaado uguna suura galin arinkaa daaha dabadiisa laga wadaa waa inay qabataa wixii kaga gudboon ee ay ku baajinayso murankaa labadaa nin ee walaala ah.

Liibaan
Qalin Liibaan xaaji Fagadhe