Hargeysa (SLpost)- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland, Cabdinaasir Cumar Jaamac, ayaa xukuumadda uu ka tirsan yahay ka difaacay eedo uga yimi Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani oo dhaliilay nidaamka iyo hab-dhaqanka xukuumadda.
Sidoo kalena, wuxuu ka jawaabay Hadal uu kaga hadlay Shir-beeleed uu dhawaan shaaciyey Boqor Cismaan Buur-madow oo sheegay inay qorshaynayaan shirkaas oo magaalada Burco si wada-jir ah ugu furmi doona Beelaha Galbeedka iyo Bariga Burco.
Muuqaalka Hoose Ka Daawo Hadalka Wasiir ku-xigeenka