Buuhoodle:Wasiir Saleebaan Xaglo-toosiye Oo Shir Kula Qaatay Dr.Cali ,Kh,Galaydh

Hargeysa (SLPOST) Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland, oo arrimo siyaasadeed maalintii labaad u joogo Magaalada Buuhoodle, ayaa maanta kulan la yeeshay Dr. Cali Khaliif Galaydh oo isaguna ku sugan Magaaladaasi.

Xaglo-toosiye-iyo-Cali-Khaiif

Ilaa hadda lama garanayo waxay ka wada hadleen Wasiir Xaglo-toosiye iyo Dr. Cali Khaliif Galaydh, hasa-yeeshee ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa shabakada wararka ee Somalilandtoday u sheegay in labada dhinac isla soo qaadeen sidii loogu gudbi lahaa mushaakilaadka amni daro ee kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo la baxday ay ka wadaan deegaanada Sool iyo Buuhoodle.

 

Waxaana la sheegayaa in wasiirku ku dedaalayo inuu Galaydh ku qanciyo inuu ka tanaasulo fikirka qaldan ee Khaatumo, maadaama oo xaqiiqiyan uu ogyahay taariikhda dhulkaasi iyo halka uu ka tirsan yahay in Somaliland tahay, sidaa daraadeedna aanu ummaddiisa ku haligin deegaanadaasi, iskuna dayin inuu mar labaad colaad abuuro, sida uu Xaglo-toosiye ku muujinayo wareysi uu maanta siiyey laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da “Cali Khaliif ka ogollaan mayno in Buuhoodle noqoto dhagax la isku taago” ayuu yidhi.

 

 

Akhristayaal, wararkayaga dambe, waxaanu idiinku soo gudbin doonaa sawirro iyo xogo dheeraad ah oo khuseeya kulanka ay labadan masuul ku yeesheen Magaalada Buuhoodle, inkasta oo kulankaasi ahaa mid qarsoodiya oo aan inta badan shacabka iyo saxaafadda Buuhoodle ogeyn.

 

 

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland