Buuhoodle: Khasaaraha ka dhashay Shaqaaqo Labada Beelood dhex-martay, Malleeshiyo beeleedkii dagaalamay oo Isu-xamaan urursanaya iyo Cabsi laga qabo Colaado deegaankaas mar kale ka dillaaca

Buuhoodle (SLpost)- Inta la ogyahay Laba qof ayaa ku dhintay, mid kalena dhaawac ayaa ka soo gaadhay iska-horimaad maanta laba beelood ku dhexmaray deegaanka Qeydarka oo ku yaala meel u dhaxaysa degmooyinka Qorilugud iyo Buuhoodle.

degmada BuuhoodleWararka aanu ka helaynayo deegaanaas, ayaa sheegaya in Xurgufta khasaaraha dhimashada ah sababtay ka bilaabantay ka dib markii shalay subaxnimo maleeshiyo-beeleed ka soo jeeda degmada Buuhoodle ay weerar gaadmo ah ku dileen Nin deegaan ahaan ka soo jeeda degmada Qorilugud, taasina ay sababtay is-abaabul iyo guluf aar-goosi ah oo beesha Qorilugud gelinkii dambe ee shalay qaadeen ku dileen Marxuum ku dhashay deegaanka Buuhoodle halka mid kalena ay ku dhaawaceen.

Deeqaanka Qeydarka oo ah dhul-daaqsiyeed u dhexeeya labada degmo, dhowaan-na roobabka gu’gu si wacan u biyo-dhigeen, ayaa dadka reer-guuraaga ah ee ka soo kala jeeda laba beelood soo degeen si ay xoolahooda ugu helaan biyo iyo baad, waxaana la sheegayaa in arrintaasi sabab u ahayd khilaafka xurguftan sababta u ah.

Wararkii u dambeeyey ee deegaankaas laga helayo, ayaa sheegay inay xaaladdu kacsan tahay isla markaana dhinacyada khasaaruhu soo kala-gaadhay ay ku jiraan abaabul ciidan, waxaana laga cabsi qabaa colaad hor leh oo ka dhex-dilaacda deegaannadaas.

Shaqaaqadan ka dhacday gobolka Buuhoodle, ayaa ku soo beegmaysa xilli uu gobolkaas ku sugan yahay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise (Xagla-toosiye) oo mashaariic horumarineed ka fulinaya deegaamada hoos yimaadda degmada Buuhoodle.

Sidoo kale, waxa magaalada Buuhoodle ku sugan siyaasiga Cali Khaliif Galeydh oo deegaankaas ka wada olole uu shacabka ku guubaabinayey dagaallo iyo colaado dhexmarta shacabka ood-wadaagta ah ee wada dega gobolkaas.

 

SOMALILANDPOST.NET