BUUHOODLE: Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe si Rasmi ah loo caleemo-saaray iyo Badheedhihii Wasiir Xaglatoosiye

BUUHOODLE: Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe si Rasmi ah loo caleemo-saaray iyo hadalladii Weftiga Somaliland ka jeediyey MadashaBUUHOODLE (SLpost)- Garaadka Guud ee Deegaanka Buuhoodle Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe Durraan, ayaa maanta si rasmi ah loo caleemo saaray Xaflad Balaadhan oo loogu Caano shubayey garaadka gudaha Magaalada Buuhoodle.

Xafladda Caano-shubka Garaadka oo lagu qabtay Beerta Weyn ee Loo Yaqaano Balliga Buuhoodle, waxa ka qayb galay Kontomeeyo Kun oo ruux oo isugu jira Madax dhaqameed, Siyaasiyiin, Qurbojoog, culima’udiin iyo qaybaha kale ee bulshada oo kala yimid Dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.

Munaasibadda waxa Dawladda Somaliland uga qayb-galay oo metelayey Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, Wasiirrada Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed iyo Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiwaaxid Cabdiqaadir iyo siyaasiyiin kale.

HALKAN KA DAAWO MUNAASIBADDA