Buuga Maskax-gudhiye Oo Xalay Hargeysa Lagu Gardaadiyay

 

Hargeysa(SLpost)-Waxa xalay lagu soo bandhigay Hargeysa buuga Maskax-gudhiye oo si faahfaahsan uga hadlaayay qaadka iyo dhibaatooyinkiisa, isla markaasna bixinaaya tilmaamo lagaga joojin karo dalka.

Qoraaga Buugan oo aad u da’yar Axmed Maxamed Cabdi ayaa bulshadii halkaas isugu timi u soo bandhigay dhibaatooyinka qaadka ee uu buugan Maskax-gudhiye xanbaarsan yahay. waxaana bandhigan soo abaabulay xarunta Maxamed Mooge, waxaana kala soo qaybgalay culimada wacyigalinta mukhaadaraadka,Cabdikariin Axmed Mooge,agaasimaha cisbitaalka guud ee Hargeysa, Dhalinyaro iyo haldoor kale.

12041918_907476135966750_380109671_n 12032357_907475779300119_314791302_n 12042059_907475372633493_1298389461_n

Ugu horayntii guddoomiyaha xarunta Maxamed Mooge Hoodo-ayaan Suldaan Aadan Faarax oo soo qabanqaabisay kulankan buuga lagu soo bandhigaayay, ayaa halkaas waxa ay ka tidhi  “Waa heen farxad noo ah oo ka mid ah madalihii qiimaha badnaa ee xarunta Mooge ay agaasimijirtay, laakiin ka yara duwan oo agaasinka iyo wax soo saarkaba ay xaruntu leedahay, waa haeen aanu gardaadinayno buug uu ibafuray Axmed Cabdi Maxamed, Axmed isaga oo aad u yar waxa uu ku baraarugay  bulsho uu ragaadayay dhaqaale ahaan,caafimaad ahaan iyo akhlaaqahanba qaadku, waxaanu buuga u bixiyay Maskax-gudhiye, miyaanu maskax-gudhiye ahayn qofku marka inta uu kowda maalinimo fadhiisto meel uu ilaa tobanka habeenimo fadhiyaayo, hawlhiisii gaarka ahaa iyo kuwii qarankuba iyada oo ay ka baylaheen, waxaan ku faraxsanahay in wiilka yar ee dhashay 1995-tii inuu kushkiladaas ku baraarugay oo uu inala wadaagayo buug uu u bixiyay Maskax-gudhiye.”

12025285_907474715966892_1352929873_n

Qoraaga buuga Axmed Cabdi Maxamed ayaa ka sheekeeyay sida uu buugu ugu dhashay iyo waxyaabaha uu xanbaarsan yahay, waxaana hadaladiisa ka mida ahaa“Aniga ayaa dooray buugan magaciisa Maskax-gudhiye, halka ugu weyn ee aynu kaga duwanahay xayawaanada kale waa maskaxda, karaamada alle ina karaameeyay waxay inoo saarantahay maskaxda markaas iyada ayuu qaadku wax weyn yeelaa, buugan waxa aan ku fikiray inaan umaddayda ka waaniyo qaadka aniga oo ah fasalka todobaad ee dugsiga hoose dhaxe, intaas kadib waxay maskaxdaydu mar walba keenaysay xal sida aan umadayda ugala hadli lahaa bahalka,Alle mahadii waxaan 2011-kii qalinka u qaatay inaan soo ururiyo xogta qaadka oo aan qorsiteeda waday ilaa 2014-kii.”

Waxa uu qoraaga buuga Axmed Cabdi uu sharaxay cutubyada buugu ka kooban yahay oo kala ahaa Qaadka,Taariikhda qaadka,Walxaha qaadka,Dhibatooyinka caafimad,Dhibaatooyinka dhaqaale, Dhibaatooyinka bulsho,Diinta islaamka iyo cunitaanka qaadka,Sababaha qaadka loo cuno,sheekooyinka qaadka iyo ugu danbayntii maxaa lagu joojin karaa.Cabdi uu dulmaray cusubyada buuga iyo waxyaabaha uu xanbaarsan yahay, waxa uu ugu horaynta ka hadlayaa Qaadka laftiisa,Taariikhda qaadka,walxaha qaadka, dhibaatooyinka caafimaad,dhibaatooyinka dhaqaale, dhubaatooyinka qaadka ee bulshada,diinta islaamka iyo cunida qaadka, sabaabta qaadka loo cuno,qisaska murqaanka iyo waxyaabaha lagu joojin karo.

Siciid Yuusuf Axmed oo ah guddoomiyaha ururka wacyigalinta aafooyinka mukhaadaraadka, ayaa u hanbalyeeyay qoraaga buugan Maskax-gudhiye oo qaadka siweyn uga hadlaaya, waxa uu dhalinyarada u soo jeediyay in loo baahan yahay in la sameeyo wacygalin balaadhan oo dadka loogu sheegayo dhibaatooyinka aan joogisa lahayn ee jaadka iyo dhiigbaxa dhaqaale ee uu dalka ku hayo.

 

U olloleeyaha ka tagitaanka qabyaalada ee Somaliland Cabdikariin Axmed Mooge ayaa isaguna halkaas waxa uu ka yidhi“Aad iyo aad ayaan ugu hambalyaynayaa walaalkay Axmed Fariid tacabka afarta sano ah ee uu buugan soo galiyay,waan ugu hanbalyaynayaa inuu u istaagay mushkilad jirta Somaliland baylahdeedu waa ay badantahay laakiin sadex ayaa ugu daran Qaybyaalada,Qaadka iyo Musuqmaasuqa, arimo kale waa ay jiraan laakiin sadexdan ayaa si weyn aafo inuugu ah markaas arin weyn ayuu u istaagay, cilmi baadhis iyo ururin badana  waa uu sameeyay.” Cabdikariin waxa uu xukuumadda u soo jeediyay inay isku daydo inay dalka ka joojiso subaxa hore ee uu jaadku soo galaayo, waxaanu dhalinyarada u soo jeediyay in aanay niyad jabin ee ay u halgamaan nolol wanaagsan.

Maxamed Sidiiq Dhame oo ah afhayeenka garabka dhalinyarada ee xisbiga Waddani ayaa halkaas kaga dhawaaqay inay ka xisbi ahaan iibsadeen 30 buug, waxaanu hadalo dhiirigalin ah u soo jeediyay qoraaga buugan.

Ugu danbayntii Agaasimaha cisbitaalka guud ee Hargeysa Axmed Cumar Askar ayaa halkaas ka sheegay in loo baahan yahay joojinta qaadka, waxaanu isagu awooda saaray in dadka laga wacyigaliyo oo qofka lagu qanciyo inuu iska joojiyo, isaga oo sheegay inuu leeyahay dhibaatooyin caafimaad oo ay ugu horeeyaan aamateed xumo iyo waali uu qofka cunaaya ku keeno.

Hargeysa Somaliland

Somalilandpost