Buug laga qoray Qorshaha Shanta sanno ee soo socda ee magaaladda Hargeysa oo la soo bandhigay

Hargeysa, 07 March, 2012 (SLpost)- Qoraa Da’yar ayaa shalay magaaladad Hargeysa ku soo bandhigay Buugga ka  hadlaya qorshaha shanta sannadood ee soosocda qaabkay caasimadu u eekaan lahayd.

Daah-furka Buuggan ka hadlaya bilicda iyo horumarinta caasimadda Somaliland ee magaaladda Hargeysa ayaa lagu soo bandhigay Hotel Summertime ee magaaladda Hargeysa, waxaana ka soo qaybgalay Maayar ku xigeenka caasimada Hargaysa Md: Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, xildhibaano, dhalinyaro, aqoonyahano, ururadda Siyaasadda, haween iyo marti sharaf kale.

Maayar ku xigeenka caasimada Hargaysa Md Maxamed C/laahi Uurcade, oo hadal ka jeediyay xafladaasi loo sameeyay daah furka buugaasi cusub ayaa si balaadhan uga waramay macluumaadka kala duwan ee uu xanbaarsan  yahay buugani iyo sida loogu baahan yahay in laga faa’iidaysto, waxaanu xusay  maayar ku xigeenku ka dawlad hoose ahaan in ay soo dhawaynayaan kana faa’iidaysan doonaan isla markaana ay ku dabaqi doonaan shaqada ay bulshada u hayaan waxyaabaha uu buugaasi ka hadlayo.

Md: Maxamed Cabdilaahi Uurcade, ayaa si aad ah ugu hanbalyeeyay aqoon yahaynka da’da yar ee qoray buugan, waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in dhalinyaradu ay sameeyaan ikhtiraac noocan oo kale ah si ay tub cusub ugu jeexaan Somaliland, waxaanu u soo jeediyay dhalinyarada aqoon yahamiinta ah ee Somaliland in ay yihiin kuwa la doonayo in ay dalkooda iyo dadkoodaba u soo kordhiyaan waxyaabo horumar ah isla markaana ay sameeyaan waxyaabaha dalku ku horumari karo.

Xildhibaan Ibraahim Axmed Raygal oo ah muddane ka tirsan golaha wakiilada Somalialnd oo isna xafladaasi ka hadlay ayaa si qoto dheer uga waramay doorka ay dhalinyaradu ka qaadan karaan ama ku leeyihiin horumarinta dalka, waxaanu tilmaamay xildhibaanku in buugani uu ka hadlaya  sida ugu haboon ee loo horumarin karo caasimada Hargaysa shanta sano ee soo socda uu yahay mid xanbaarsan macluumaadyo kala duwan oo qiime badan leh, kaasi oo ka hadlaya dariiqa ugu fudud ee lagu gaadhi karo ama suurto gelin kara in la helo caasimad horumarsan oo la jaan qaada caasimadaha aduunka isla markaana ka dhisan waxyaabaha  aasaasiga u ah nolosha bini’aadamka.

“ aad baan ugu hambalyeynayaa dadaalka faraha badan ee uu sameeyey iyo wakhti faraha badan ee uu wadankiisa galiyey, buug la qoraa maaha wax dhib yar waa tacab aad u farobadan, waxaan jeclahay tubtii da’dayadan in aydaan raacin ee tub cusub Somaliland u jeexdaan oo ah in aad wax cusub soo kordhisaan, runtii waxyaalaha badan ee uu taabtay horta Somaliland oo dhani gabogeedubu dhaliilo ayey leedahay, waxay u baahantay caqli  iyo aqoon, waayo waa wadan burburay oo wadan laga soo bilaabayo seeska hoose, raga waxaas wax ka qaban lahaana waa ragaasi da’da yar waxaana wax laga saari karaa marka wax la barto, horumarka dalkaaga iyo ka nolosheenu waxay ku xidhantahay sidaynu waxu barano, anaguna wixii dhaliil ah waxaanu u qaadan toosin oo marna is difaaci mayno”ayuu yidhi Maayar ku xigeenka magaaladda Hargeys md: Uur Cadde.

Xasan Xuseen Codyare, oo ka mid ah masuuliyiinta urur siyaasadeedka WADANI oo isna xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in buugani uu yahay mid macluumaadyo kala duwan oo qiime wayn leh ay ku duugan yihiin isla markaana loo baahan yahay in laga faa’iidaysto.

Md Codyare ayaa si balaadhan u amaanay qoraaga buugan, isaga oo tilmaamay in ay urur ahaan soo dhawaynayaan dhalinyarada aqoon yahamiinta ah ee sida Pro. Maxamuud oo kale ah, waxaanu intaasi ku daray in qoraaga buugan uu ka mid  yahay dhalinyarada aqoon yahamiinta ah ee uu dalku u baahan yahay urur ahaana ay gacmo furan ku soo dhawaynayaan.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay guddomiyaha gobolka Hargeysa ee ururka DALSAN Cabdinaasir Bulxan, kaas oo aamanay qoraaga buugga oo uu tilmaamay inuu ku dayasho mudan yahay, isagoo halkaasina ka soo jeediyey daraasado uu ka sameeyey qaabkii biyaha Hargeysa loo horumarin lahaa.

Md:Ibraahim Axmed Raygal oo ka mid ah golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa amaanay qoraaga buuggan qorshaha shanta sannood ee magaaladda Hargeysa, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay wiil dhalinyaro ah oo buugga sidan oo kale ah qora.

“ Biyo la’aani inama haysee  maamul xume ayaa ina haysa, Hargeysa waa doox, haddii aan gacmahayga sidaas yidhaa (ku qoddo) waa wada biyo, qorshaha inanku sheegayey, afar arrimood oo nolosha aasaas u ah way inaga maqan yihiin, magaaladu waa lix xaafadood lix xaafadood maaha ee waa lix degmo, siyaad bare marka uu 16 degmo ka dhigay Xamar waxay leekeed Hargeysa rubuceed, marka in magaalo fiican samaysanaa waa lagama maarman, qorshana waa lagama maarmaan, in aynu wax maqalnaana waa lagama maarmaan saddexdaasi ma kala maarmaan. Maahmaahdii Rooma maalin laguma dhisin waxaan u bedelay Hargeysaba habeen lama degin” ayuu yidhi Raygal.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay aqoonyahan     Cabdirashiid Ducaale oo ka mid ah aqoonyahanada Somaliland, waxaanu tilmaamay sida himilooyinka dhab looga dhigi karo, isagoo xusay in aynu awoodi karno in aynu wax qabsano.

Buugan oo uu qoray aqoon yahaynka Da’da yar  Maxamuud Jaamac Axmed  oo ka mid ah dhalinyarada aqoon yahamiinta ah ee reer Somalialnd oo uu u bixiyay magaciisa (Qorshaha Horumarinta Hargasya ee shanta sano ee soo socda), waxaanu ka kooban yahay laba boqol oo boog (200) isla markaana u kala baxaya afar qaybood oo balaadhan, ayaa ah buug ka hadlaya qorshaha ugu wanaagsan ee lagu horumarin karo caasimada Somaliland ee Hargaysa muddo shan sano ah, si ay ula jaan qaado caasimadaha aduunka iyo sida looga dhigi karo magaalo ka dhisan dhinacyada waxyaabaha aas aasiga u ah nolosha bini’aadamka sida caafimaadka, biyaha iyo waxyaabaha la midka ah.

Buugan uu qoray  Maxamuud Jaamac Axmed ee uu uga magac dhigay (Qorshaha Horumarinat Hargasya), ayaa si faah-faahsan sharaxaad uga bixinaya in haddii magaalada Hargaysa ay ku sii socoto sida ay hada tahay  in ay muddo dhaw noqon doonto meel aanu bini’aadam ku noolaan karin.

Isaga oo qoraaga buugani tilmaamaya sida ugu wanaagsan ee looga hor tegi karo dhibaatadaasi iyo dariiqa loo marayo, kaasi oo uu ku qeexayo ama ku sharaxayo buugani.

Waxa kale oo ka mid ah waxyaabaha kale ee ku duugan ama ku qoran buugan buugan qorshe horumarineed oo caasimada Hargaysa ka dhigaya mid la jaan qaada  magaalooyinka caalamka.

Macluumaadyada kala duwan ee ku qoran buugani waxaa ka mid ah rejo balaadhan oo uu ka muujinayo ama ku aadan in dadwaynaha ku nool Hargaysa in ay awood u leeyihiin in iyaga oo aan cid kale kaashan horumarin karaan magaalada.

 Buugan uu qoray aqoonyahan Maxamuud jaamac Axmed ee uu uga magac dhigay Qorshaha horumarinta Hargaysa ee shanta sano ee soo socda  ayaa noqonaya buugii ugu horeeyay ee noociisa oo kale ah oo lagu soo bandhigo Hargaysa, waxaanu cutubyo badan oo buuggiisa ku qoran ka soo xigtay 43 buug oo laga qoray magaalooyin la horumariyey, kuwaasoo hadda ah kuwa ugu quruxda badan aduunka iyo ragii sidaas ka dhigay oo loodoortay Ra’isal wasaarayaal.

Intaas ka dib urur siyaasadeedka WADANI ayaa goobtii ka iibsaday saddex buug, iyagoo sheegay inay qoraagana la shaqayn doonaan caawin doonaana, halka Xildhibaan Ibraahim Raygalna laba midh ka iibsaday si uu u dhiirigaliyo qoraagga .

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net