Buug Cusub oo Uu Qoray Aqoonyahan C/raxmaan-Guribarwaaqo Kana Hadlaya Taariikhda Dhabta Ah Ee Sayid Maxamed Cabdalla Xasan oo Hargeysa lagu Daah-furay

Hargeysa (SLpost)- Buug cusub oo la yidhaa “SOOYAAL” noociisa oo kalena aan horey loo qorin kuna duugantahay taariikh ballaadhan oo la hilmaamay ayaa xalay lagu daah-furay hoolka Jaamacadda Hargeysa.

Buuggan oo si mug leh uga hadlaya qaybihii laga indho-shareertay ee taariikhdii Sayid Maxamed Cabadalla Xasan ayaa waxaa qoray Aqoonyahanka reer Somaliland Qoraa C/raxmaan C/laahi Faarax (Guri-Barwaaqo).

Munaasibaddii xalay lagu gardaadiyey buuggan ayaa ahayd mid dareen gaar ah wadatay, waxaana kasoo qayb-galay dad fara badan oo isugu jiray Aqoonyahano, Arday, Abwaano, Qorayaal iyo maamulka Jaamacadda Hargeysa.

Intii aanu qoraagu afkiisa ula kala bixin faah-faahinta buuggan iyo waxa uu xambaarsanyahay ayaa kasoo qayb-galayaashii munaasibadda waxaa laga dareemayey hamuun badan oo ay u qabeen dulucda buuggan iyo gun-dhiggiisu wuxuu yahay.

C/raxmaan-Guribarwaaqo waxa uu ka sheekeeyey waxyaabihii ku kallifay qorista buuggan, isagoo xusay in dad isugu jira Soomaali iyo Ajaanibba ay tiro gaadhaysa 18 Buug ka qoreen Taariikhdii Ina Cabdalla Xassan, balse dhammaantood ay wax badan ka tageen oo ay ka mid yihiin:

–        Farriintii uu siday Ina Cabdalla Xasan markii uu Berbera yimi.

–        Sababtii loo qaadan waayey ee looga hor yimi farriintaasi

–        Sababtii dadka Soomaaliyeed ku kalliftay inay heshiis la galaan Ingiriiska.

Qorayaashaasi ay qaarkood caddaanka ahaayeen inta kalena Somalida, ayaa waxaa Somaliland kasoo jeeda oo kaliya Aw-Jaamac Cumar Ciise oo isna buuggiisa aan la isku hallayn karin, isburin iyo been abuurna ay ka dhex muuqdaan, isla markaana uu ku gaalaysiiyey Soomaalidii lasocotay heshiiskana la gashay Ingiriiska.

Sidaasi daraadeed C/raxmaan C/laahi Faarax (Guri-Barwaaqo), waxa uu buuggiisan SOOYAAL ku axadhay, intii uga suurowday waxyaabihii la qariyey ee ay ku aroorayso taariikhda dhabta ah ee Maxamed Cabdalle Xassan.

Waxa kale oo qoraagu iftiimiyey, farqiga u dhexeeya, mushaykhdii caanka ka ahayd gayiga Somalida iyo Sayid-Maxamed Cabdalle Xasan oo markii uu Berbera kasoo degay ka dhaadhiciyey bulshadii halkaasi ku sugnayd inuu yahay Sheekh diinta yaqaana.

Wadaadaasi oo qaarkood ka horreeyeen Ina Cabdille Xasan, qaarkoodna ka dambeeyeen kana mid ahaayeen Sheekh Kawniin, Sheekh Maxamed Cabdi Makaahiil, Sheekh Madar, Sheekh Nuur Iyo Sheekh Aweys, ayuu qoraagu carrab-dhabay in dhammaantood lagu majeerto wanaag iyo wax-qabad badan oo ay soo kordhiyeen, taariikhdooduna ka hufantahay, waxkastoo dhaawac ku ah diinta iyo dadnimada.

Sheekhnimada uu sheegtay Maxamed Cabdalle Xassan, waxay noqotay mid ka degi wayday dadkii uu la noolaa, waayo waxa uu ku kacay falal gabi ahaanba kasoo hor-jeeda diinta islaamka. Sida Dil badheedh ah, Dhac, Basaasnimo,  Laaluush, Cunista xaaraanta, Bannaysi dumar ka badan inta diinteenu ogashaya in laga guursado iyo waxyaabo badan oo nusqaan iyo xad-gudub ku ah diinteena suuban ee Islaamka.

Buuggan cusub ee “SOOYAAL”, qoraaguna ku lafa-guray taariikhda madaw ee Ina Cabdalla Xassan, ayaa dhanka kalena bidhaaminaysa qaybo kale oo taariikhdaasi ka mida oo laga been-sheegay, mid la iska indho-tiray iyo mid gurracnaan garab lagu siiyey.

Axmed Faarax Cali (Idaajaa), waxa uu ka mid yahay ragga uu qoraagu soo qaatay, ee ku caan baxay, bedelaadda iyo been-ka-sheegista Taariikhda iyo Dhaqanka. Waxaanu tusaale u soo qaatay qoraal uu ugu garnaqayey Ina Cabdalle Xasan iyo intii kasoo horjeeday. Kaasoo taageero indho-la’aana siiyey Ina Cabdille Xasan oo qoraagu uu raaciyey in dacwaddiisii aan la aqbalin, halka dacwadii Abwaan Cali Jaamac Haabiil uu Ilaahay aqbalay.

Buugga oo ah mid aad u mug weyn, ayaa waxaa kaloo guud-mar kooban ku sameeyey Abwaan Axmed Aw-geeddi.  Waxaanu ka sheekeeyey hagar-daamadii dhan walba lahayd ee uu bulshada ku hayey iyo  duulllaanadii uu qaadi jiray ee sida bahal-nimada ah uu maatida iyo cid walba ugu xasuuqi jiray.

Waxaanu Abwaan Axmed Aw-Geeddi yidhi isagoo arrintaa ka hadlaya “Markii la yaabay ee Daraawiishi intay beesha gasho, wax xilla’ ay sameeyeen, ayaa waliba waxaa la yidhi, nimanku way halgamayaanoo diintay u dagaalamayaan, dabeedna waxaa yaabay nin la yidhaa Geylan Nuur oo reer Mudug ah, wuxuu la yaabay nimankii markay soo galeen, odayaashii gaboobay ee aan kici karayn ee aqalada hortoodii fadhiyey waa la dilay, caruurtii yar-yarayd ee mujada ahayd ee naaska jaqaysay waa la dilay, haweenkii uurka lahaa waa la dooxay oo waxaa la yidhi gaalbay sidaaye halaga soo rido, dabadeedna ninkii Gaylan wuu gabyoo wuxuu yidhi ….”

Abwaan Axmed Aw-geeddi waxa kale oo uu ka sheekeeyey hab-dhaqankii ka baxsanaa diinta ee uu kula macaamili jiray dadka waxaanu yidhi “Si aad Islaam u noqoto, ina Cabdalle Xasan wuxuu kaa rabay saddex arrimood, 1: Waa inaad Saalixiya noqotaa, 2: Waa inaad Darwiish noqotaa, 3: Waa inaad xarunta timaadaa, sidaasi daraadeed labada hore haddaad tahay  oo xarunta aad u jirtid Kilomitir, waa lagu weerarayaa Gaalbaanad tahay…”

Ina Cabdille Xasan waxaa uu xoolaha kasakow qaadi jiray dumarka, waxaanu qabay 32 dumar ah oo Abwaaan Axmed Aw-geeddi madashii ka yeedhiyey mid kastaba magaceeda iyo beesha ay kasoo jeedo ee ay ka dhalatay.

Maadaama ay daraawiishi kala irdhaysay dadkii isla markaana wixii iyaga ka hor yimi ku tilmaameen gaalo, ayaa waxa uu Abwaan Axmed Aw-Geeddi hoosta ka xarriiqay wixii gudaha xarunta daraawiisha ka socday waxaanu yidhi “Xarunta daraawiishta, subaxu markuu waagu baryo waxaa ka jiray dil, xabbadbaana lala dhici jiray, waxaana ka mida Garaad Cali, qaar fardahaa la jiidhsiin jiray, qaarna gaajaa lagu dili jiray, waxaana marag cad u ah Suldaan Nuur oo dadkii halkaa ku dhintay ka mid ahaa…”

Waxaa xalay uu Abwaan Axmed Aw-Geeddi ka dhawaajiyey dhacdo laga yax-yaxay oo daraawiishtu ay ku kaceen, taasoo ahayd in dadka ay cuni jireen, raggii ay ilkaha ula tageen ee ay cuneena uu ka mid ahaa nin sheekh ahaa oo la odhan jiray Aw-Rufaaci.

Abwaan Axmed Aw-Geeddi waxa uu gabo-gabadii isagoo la dardaarmaya bulshada uu yidhi “Waxaan leeyahay taariikhda (Ina Cabdalle Xasan) dhinac qudhaa laga akhriyee, laga bilaabo caawa waa in dhinacii kale la doonaa”.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net