Burundi Oo Looga Dareeray Doorasho Lagu Muransan Yahay

Bujumbura, (SLpost)- Dalka Burundi waxa ka billaabantay doorashada madaxweynaha oo in muddo ah lagu muransanaa. Saddexda musharax ee mucaaradka ayaa sheegay inay qaadaceen doorashadaas oo saaka looga dareeray dalkaas.

Doorashada ayaa qabsoomaysa iyadoo habeenkii xalay xabado badan iyo qarax laga maqlay magaalada Bujumbura ee caasimadda Burundi.

Madaxwayne Pierra Nkurunziza, ayaa markii saddexaad isu sharaxay doorashada madaxtinimada inkasta oo ay jiraan eedaymo sheegaya in ay sharcidarro tahay, haddana dhawaaqyadaas iyo eedaymahaas oo sababay mudaharaadyo bilihii lasoo dhaafay sababay dhimasho, dhaawacyo iyo barakac.

Ugu yaraan 70 ruux ayaa ku dhintay mudaaharaadyo lagaga soo horjeedo in madaxwaynuhu uu mar saddexaad isa soo sharraxo.