“Burco waxey maanta tabeysaa ALLEH ha u naxariistee Suldaan Diiriye, Ina Sanweyne, Xaaji Faarax Suusle, Xaaji Xassan Geele & Sheekh Cismaan Nuur, ragaas oo dhamaantood ahaa…” – Xildhibaan Qabille

Xildhibaan QabilleHargeysa (SLpost)- Xildhibaan  Maxamed Faarax Qabile oo  ka mid ah golaha wakiilada Somaliland, ayaa ka hadlay xaaladda colaadeed ee ka taagan deegaanka Balli Diiriye Guuleed oo Isku-dhacyo khasaare nafeed ka dhashay ku dhexmaray labada beelood oo wda-dega deegaankaas, kuwaas oo ku muransan lahaanshiyaha dhul-daaqsiyeed iyo Baraagaha Biyaha oo ay ku muransan yihiin.

Xurgufta Colaadeed ka dhalatay muranka labada beelood ku dhexmaray deegaankaas, ayaa sababtay in dhowaan dhaawacyo ka soo gaadhaan Saraakiil ka tirsan ciidanka Qaranka oo qayb ah Ciidamo la kala dhex-dhigay labada beelood, ka dib markii ay xukuumaddu murankooda ka soo saartay go’aamo ay ku qanci weyday mid ka mid ah labada beelood ee muranku ka dhexeeyo oo ciidanka weerarayh.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile waxa uu arrintan kaga hadlay Qoraal xambaarsan tusmayn, digniin, tusaaleyn, cambaareyn iyo baaq nabadeed oo uu ku kala diray beelaha dirirtu ka dhaxayso, xukuumadda iyo Haldoorka bulshada ee wax-ka-qabashada arrintani khusayso.

Qoraalka Xildhibaanka ayaa u dhignaa sidan: “Islaamka waxa astaamahooda ka mid ah in uu xor yahey xoriyadaas oo ku xadaysan tilmaamaha RABBI & Sunaha Rasuulka SCW,  ma jirto RABBI mooyee cid Adoon loo noqdaa,  xigmada balaadhan & Mucjisooyinka ALLEH SWTC ku cadeeyay Qur’aanka maaha kuwo dheel dheel ah,  waana kuwo ay ku dhantahey nolosha kownkan & ta aakhiroba, Raxmada EEBE ayuun baana lagaga baxsan karaaa imtixaanka dunidan aynu  manta ku noolahey, EEBE SWTC  waxaan ka baryayaa  inuu Ina Waafajiyo Rabitaankiisa & Raali ahaanshihiisa.

RABBI SWTC wuxuu ku yidhi Qur’aankiisa Kariimka ah, ( hadii ay is dilaan laba kooxood oo  Muuminiinta ka mid ahi, Samo & Islaax ku Dhex gala walaaladiin,

hadey midi ka gacan taagato samaha, isugu taga. Intey uga hogaansameyso amarka EEBE SWTC, hadey ka soo noqoto, samo ku dhex gala walaaladiin, Garnaqa ILAAHEY wuu Jecelyahey kuwa Garnaqa’e) Rasuulkuna SCWwuxuu Yidhi Walaalkaa u Hiili Haduu Gar leeyahey & Haduu gar daran yaheyba. Waxey saxaabadii Su’aaleen Haduu garleeyahey garanaye, markuu gardaran yahey sidaanu ugu hiilineynaa, wuxuu ugu jawaabey SCW ka qabo gardarada taas ayaa hiil ahe. RABBI SWTC waxa uu Qur’aankiisa Kariimka ah ku Tilmaamey In (Ummatul Maxamed ay tahey Ummad laga soo dhex saaro dadka  Tii ugu kheyrka badneyd,  waxaana ay ku noqotey, Wanaaga oo ay is farto & xumaanta oo ay iska qabato & ILLAAHEY oo ay Rumeeyaan,) ma jirto nimco ka weyn oo Aaadmigu hantiyi karo xigmada ku jirta mimcadan waxey mudan tahey ineynu ku xamdi naqno. RABBI SWTC waxa uu  sidoo kale ina faray oo ah qaaciido islaami ah Sida uu qawlkiisa Sharaf ka leh ku sheegay ( Isu Kaashada wanaaga & Cabsida EEBE, Hana isu kaashanina Danbi & Cadaawad). Rasuulkuna SCW wuxuu yidhi Fidmadu wey hurudaa Nacdali korkiisa ha ahaato cida toosisa.

Shaqaaqada ka dhacdey Deegaanka Baliga Diiriye Guuleed ee Duleeedka Magaalada Burco, waxaan arkaayey maalmahanba in badan oo hadalo xajiin leh oo is laanqereynaya, isku marinayey warbaahinta maxaliga ah & ta caalamiga ahba, hadaladaas oo halaag & khaatumo seeg waxaan aheyn laga dheefayn, nin abwaan ah ayaa gabey ku yidhi “ Tan oo kale cayaar lagama deyo calama saarkeed, waa caloolo wada daadsan & Caanahoo geba, Cirsan yeedh nimuu taabtey & Caalim ma hakado, Caw kuma hurdeen Ruux metela Caydan Reeraha, Cawa dhaladna maantuu lahaa kama Carceereen, Cimri kugu sin bey noqotey & aayadaa Culus,”  waa ayaan darro rag salaadiin ah, siyaasiyiin ah, qoorweyntii Ummada ah in ay hadalo duur xul u ah kala irdhoow & tafaraaruq  shaqaaqadan ku sii biiriyaan, Burcona waxey maanta tabeysaa ALLEH ha u naxariistee Suldaan Diiriye, Ina Sanweyne, Xaaji Faarax Suusle, Xaaji Xassan Geele & Sheekh Cismaan Nuur, ragaas oo dhamaantood ahaa rag horsed u ahaa Diinta, Nabada, Darisnimada, wada noolaansha, & Islaaxa Reer Togdheer, waxa maanta wax laga tiraanyoodo ah Dhiilada taala, & dhegxumada Dhaantada laga dhex tumanayo, waxaan Nafteyda & tiinaba ka waaninayaa, in aaney dhaxal xumeysan tacabkii & dhaxalkii ay ka tageen ragaa hore & kuwii u dhul galey halgankii dhamacda ahaa, cadho ALLEH & Cadaabkiisana aan gacmaha loo hoorsan, waxa haboon in looga beydho wanaag, & Samo loo wada jiro.

Soomaaliland manta cadaw badan ayey leedahey,  Soomaaliduna waxey ku Maahmaahdaa Canqowga Isku Dhufte Isagaa U Dhutiya, waxa la Yidhi Shisheeye Waa ayo  & waa ninka Noloshaada Neceb,ha ka dayin nin kaa hayb ahi uun inuu Cadawgaaga yahey nin kasta mindida dileysaa gurigiisa ayuun bey taalaa ee dib ha la isugu noqdo, Waxaan ILLAAHEY SWTC ka rajeynayaa  inuu dhibtaa innaga soo af jaro xalkeeedana inna waafajiyo, RABBI u noqda, Xaabadana yaan la sii saarin, dhibaatada taala, Iyadoo RABBI SWTC loo talo Saaranayo  ha laga shaqeeyo xalka arrintani ku samaaneyso oo kaliya, wixii qalin daaraya samaheedana ha laga ilaaliyo, Abaar Xoolaad waa laga ladnaadaa Abaar Dadse Illahey ha innaga hayo.

Waxaan ereyo kooban u jeedinayaa labada beelood ee walaalaha ah waxaan leeyahey la isuma kiin dhaamo, nimaan idiin fureynin yuu idiin rarin.

Xukuumadana waxaan leeyahey, Nina Kali ahaantii Daleel Guusha kama helo, Dadkaa Geesi lagu yahey,Karaamada & masuuliyada aynu sidno dadkaas ayaa iska leh RABBI SWTC ha Inna garansiiyo Xilka & Waajibaadka Innaga saran Ummadan, waxaana jira RABBI daalacanaya oo aan waxba ka gedman oo la socda sida aynu u gudaneyno waajibka & Masuuliyada ina saran , taariikhduna wey sunti doontaa maalmaha go’an ninba wuxuu ka geysto, waxaan qormadan ku soo gunaanadayaa tixihii  Abwaankii yidhi:

Dhimo oo ha noolaan

Ka wax noo dhimaayoow

Dhereg oo ha liicin

Ninka dhaqanka fuliyoow.”

WA BILLAAHI TAWFIIQ

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile

Golaha Wakiilada J Soomaaliland