Burco: Siddeed Askari oo Xabsiga loo taxaabay, Xaaladda oo Cakiran iyo Fadeexado dul-hoganaya Dawladda Hoose

Burco (SLpost)- Askari ka tirsan Ciidanka Booliska ee magaalada Burco oo warbaahinta cabasho ugu gudbiyey madaxweynaha Somaliland, ayaa caawa loo dhaadhiyey xabsiga Dhexe ee magaaladaas, ka dib markii lagu eedeyey inay sifo shuruucda Ciidamada ka baxsan uga hadleen warbaahinta.

askari15 Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska magaalada Burco isla markaana xaasaskoodu deggen yihiin guryo ku yaala saldhigga Dhexe ee booliska oo ku dhag-san dugsiga Sare ee Sheekh Bashiir, ayaa todobaadkan warbaahinta cabasho ugu gudbiyey madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ka dib markii sida ay dawladda hoose ku war-gelisay inay ka baxaan guryaha ay ku jiraan oo laga iibiyey dad ganacsato ah meherado ka samaysanaya.

Guryaha ay ku jiraan Askarta ka tirsan booliska, ayaa loogu talo-galay inay u hoydaan Askarta ka hawl-gasha saldhigga Boolis oo ku yaala meel dhowr iyo toban mitir u jirta dugsiga sare ee Sheekh Bashiir, kuwaas oo ku yaala xagga dambe ee Saldhigga, waana dhismayaal ilaa wakhtigii dawladdii Siyaad Barre ay isticmaali jireen Askarta ka hawl-gasha saldhiggaas oo ku yaala faras-magaalaha Burco.

Ma jiro wax war oo ka soo baxay Taliska booliska iyo maamulka gobolka, haseyeeshee, wariyaha Shabakadda Somaliland ee gobolka Togdheer, ayaa noo xaqiijiyey in caawa xabsiga loo taxaabay Todoba Askari oo haweenay ku jirto, kuwaas oo lagaga qab-qabtay guryahooda, ka dib markii loogu ugu daatay guryaha ay ku jiraan ee lagu amray inay khasabka kaga baxaan iyada oo aan loo diyaarin ama loogu beddelin dhisme ama dhul bannaan, halka siddeedda kalena oo aanay ciidamadu ku guulaysan soo qabashadooda ay wali raacdadooda ku daba-jiraan.

Sida uu ku soo warramay wariyaha Somalilandpost.net ee gobolka Togdheer, Askarta caawa xabsiga loo taxaabay, ayaa magacyadoodu kala yihiin; Ismaaciil deero, Saalax Aw-Nuux, Cabdirisaaq Aadan, Sakariye Axmed, Maxamed Cabdi Maxamed, Askari magaciisa lagu sheegay Ina Fagje iyo Aamina Xirsi. Waxa kale oo wararku intaas ku dareen in markii dambe la qabtay Askari Siddeedaad oo ka mid ahaa 15-ka Askari ee cabashadooda u gudbiyey madaxweynaha.

“Immika waxay askartu raadinayaan intii kale ee maanta Hadlaysay, waxaana sida lay sheegay lagu haystaa inay ka hadlaan warbaabinta maadaama oo ay askar yihiin, taliyaha qaybta booliska ayaana amarka xadhiggooda bixiyey baa la leeyahay. Laakiin, wararka qaarna waxaabay sheegayaan in xadhiggoodu la xidhiidho amar-diiddo lagu eedeeyey, waayo dawladda hoose ayaa maalin hore u keentay ogeysiis loogu sheegay inay guryaha ka baxaan,” sidaas waxa yidhi Wariyaha Somalilandpost ee Togdheer oo u khadka telefonka noogu warramay.

Dawladda Hoose ee Burco, ayaa lagu eedeeyey inay u soo jeesatay iibinta dhulka danta Guud iyada ilaa immika inta la ogyahay la xaraashay goobo tiro badan oo wakhtiyadii hore ahaa Dhismayaal ama dhul dawladeed.

Maamulka gobolka Togdheer iyo degmada Burco, ayaa dhawaan sheegay inay xaraashayaan guryaha iyo dhulka bannnaan ee dawladda si looga faa’ideeyo dadka ganacsatada ah, arrintaas oo dareen sac leh ku abuurtay bulshada magaalada Burco.

Tallaabada dawladda Hoose ee Burco ugu soo jeesatay xaraashka dhulka Dawladda oo xurguf ka dhex-abuurtay saddex wasaaradood oo dhulkii iyo dhismeyaashii gobolka ay ku lahaayeen saamaysay, ayaa shaki hore iyo tuhunno daaha dabadiisa laga hagayo ku abuurtay bulshada magaalada Burco, ka dib markii dawladda Hoose oo kaashanaysa maamulka gobolka, ay shaaca ka qaadday inay xaraashayso dhismeyaal iyo dhul ay leeyihiin wasaaradaha Waxbarashada, Ciyaaraha iyo Arrimaha Gudaha.

Xadhigga caawa lagula kacay Askarta guryahooda la xaraashaday, ayaa dareen hor leh ku abuuray shacabka caasimadda Togdheer, kuwaas oo warka hawl-galka lagu baadinayo intooda kale uu wada-gaadhay, waxaanay wararka ka imanaya magaalada Burco sheegayaan inay jirta xaalad kacsanaan ah oo laga cabsi qabo inay dhalisho gadood shacabku ka muujiyaan hab-dhaqanka aan hore looga baran ee Dawladda Hoose ee Burco.

Si kastaba, ha ahaatee, dhaq-dhaqaaqyada dhul-boobka ah ee ka dhex-curtay maamulka dawladda hoose, ayaa laga cabsi qabaa inuu dhaliyo iska-horimaad shacab iyo dawladda Dhexe, haddii aanay soo kala dhex-galin Dawladda Hoose iyo Shacabka magaaladaas oo inay isku baxsadaan looga cabsi qabo.

SOMALILANDPOST.NET

Hargeysa, Somaliland