BURCO: Qaban-qaabada Soo-dhaweynta Murashax Maxamed Saleebaan Cumar oo si weyn looga dareemayo iyo Faahfaahinta Ujeeddada safar uu maalinta Berri ku tagayo

Hargeysa (SLpost)- Musharrax Maxamed Saleebaan Cumar oo ka mid ah Musharraxiinta shaaciyey inay u tartami doonaan doorashada Golaha Wakiilladda Somaliland, kana tartami doonaan gobolka Togdheer, ayaa qaban-qaabada soodhawayn loo samaynayo laga dareemayaa magaalada Burco ee xarunta gobobolkaas oo la filayo inuu Jimcaha Berri Booqasho ku tago.

murshax MSCMaxamed Saleebaan ayaa ka mid ah Aqoonyahannada Dhalinyarta ah ee reer Somaliland, isagoo Shahaadada MBA ku soo qaatay waddanka Uganda Jaamacad ku taalla Caasimadda dalkaas ee Kampala oo uu ku bartay Culuumta Maamulka Ganacsiga iyo Suuq-geynta (Bussiness Management and Marketing). Waxaa kale oo uu Maxamed ka mid yahay Bahda Hal-abuurka Suugaanta iyo weliba Saxaafadda.

Musharrax Maxamed Saleebaan Cumar oo hadda ku sugan magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxaana la filayaa inuu Jimcaha gaadho haddii Illaahay yidhaahdo magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, halkaas oo lagu soo warramayo in qabanqaabada soo dhawayntiisa si weyn looga dareemayey Maanta illaa Caawa.

Si aannu xogo dheeraad ah uga helno ujeeddada Safarka Musharrax Maxamed Saleebaan Cumar ku tegayo magaalada Burco iyo soodhawaynta loo samaynayaa la xidhiidho wakhtigan, waxa uu Musharraxu Aftahannews Khadka Taleefanka ugu sheegay in ujeeddada safarkiisa salka ku hayso mid uu wax kaga ogaanayo xaaladda dadka iyo deegaannada gobolka qaarkood, maaddaama Bulshada Burco iyo weliba reer Togdheer yihiin dadka uu meteli doono haddii ay doortaan oo ay u Codeeyaan wakhtiga doorashada marka la gaadho. Balse soodhawaynta qaban-qaabadeedu ka socoto Burco wax faahfaahin ah kamuu bixin.

Waxa uu Musharrax Maxmaed Saleebaan intaas ku daray in ujeeddada Safarkiisa ay qayb ka tahay sidii uu Bulshada reer Togdheer ugu wacyigelin lahaa qaadashada Kaadhka diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha oo 16-ka bishan ka bilaabmaysa gobolkaas, sida ay Guddiga doorashooyinku shaaciyeen. Sidoo kale, waxa uu Musharraxu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa, inta uu Burco joogo, Wax-garadka, Dhalinyarada iyo Haweenka gobolkaas.

SOMALILANDPOST.NET

EDITOR@SOMALILANDPOST,NET