Burco: Dawladda Hoose oo 16 Guri u Dhistay Saraakiisha Booliska ee Gobolka

 

Burco(SLpost)-Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde, Taliye-xigeenka booliska Somaliland Fooxle iyo wafti ay hogaaminayaan ayaa maanta xadhiga ka jaray 16 guri oo golaha deegaanka degmada Burco ay u dhiseen saraakiisha booliska.

Waxa halkaa ka hadlay guddoomiyaha gobolka, duqa degmada Burco oo sheegay guryahan sida loo dhisay iyo cidda loogu talagalay oo ah saraakiisha booliska, waxaana uu maayarku ballanqaaday in dhawaan la dhagaxdhigi doono laba saldhig boolis, xadhigana laga jari doono dhawr waddo oo dawladda hoose hirgalisay.

Wasiir Warrancade oo furayaashaa ka guddoomay dawladda hoose ayaa ku wareejiyay Taliye-xigeenka booliska Qaranka oo isaguna ku sii wareejiyey taliyaha qaybta.