BURCO: Ciidamada Ammaanka oo Digniin u jeediyey Shacabka magaalada

Hargeysa (SLpost)- Dadweynaha ku dhaqan Caasimadda gobolka Togdheer ee Burco, ayaa lagu soo rogay amar ka mamnuucaya inay qaadashada Tooreyda ama Mindida la qaado oo magaaladaas si weyn loogu yaqaano inay dadka ku dhaqani isticmaalaan.

Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Togdheer Cabdi Muuse Cabdilaahi oo ka warbixiyey xaaladda nabadgelyo ee gobolka, ayaa dadweynaha gobolkaas ugu baaqay inay ciidanka booliska kala shaqeeyaan nabad-gelyada, waxaanu digniin ugu diray dadka isticmaala Tooreyda inay ka waan-toobeen qaadashadeeda.

TOOREYTaliyuhu waxa uu sheegay inay qorshe cad oo lagu xakamaynayo isticmaalka Mindiyaha ay ciidan-boolis ahaan hirgelinayaan, isaga oo sheegay inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadayaan cid kasta oo lagu qabto iyaga oo sita Toorreyda.

Taliyaha oo ugu horeyn ka warbixinayey xaaladda ammaanka ee gobolka, waxa uu yidhi, ”Guud ahaan xaalada Guud ee nabadgelyada Gobolku waa caadi wax dhibaato ah oo hada ka jiraa ma jirto, dil Aroos ka dhacay oo duleedka magaalada ah baa ugu danbeeyay kiina wuu dhamaaday oo waa la keenay ninkii gacan ku dhiiglaha ahaa. dilalka gobolkan ka dhacaa badankooda waxa keena isku dhac shakhsi oo is af dhaaf ah iyo dhul laysku qabsado ee ma aha dilal qorshaysan oo cidi-cid ku duusho, dadwaynuhuna aad buu noogala shaqeeyaa nabadgelyada. Hadana waxaan ugu baaqayaa inay si ka badan noogala shaqeeyaan oo wixii ay qoonsadaan nala soo socodsiiyaan.”

Taliyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Berigii hore tooriyaha dalka ayaa lagu samayn jiray, hadase dibadaa laga keenaa iyagoo soodhadh ah, waxaanan u sheegayaa in dadka tooriyaha sitaa ay iska dhigaan oo aan suuqa lala marin oo lagu qaadan. Waxaan leeyahay waanu qabqabanaynaa, waan ururinaynaa sharcigaanan ku taagaynaa ciddii lagu qabto, sidaanu qoriga ula dagaalamayno ayaanu ula dagaalamaynaa soodhadka.”

Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa dadweynaha ku dhaqani, gaar ahaan ragga, si xooggan u isticmaalaan Tooreyda oo khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira loogu geysto dadka, taas oo timaadda xilliyada ay isku dhacaan laba qof ama qof ku weerara qof kale.

SOMALILANDPOST.NET