“Burburkii wada-hadaladii Turkiga kaddib, wada-xaajood telefoon wuu na dhexmaray (Somaliland)” – Wasiirka Daakhiliga Soomaaliya

wasiirka daaakhiliga SoomaaliyaMuqdisho (SLpost)- Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku faraxsan yihiin nabada iyo horumarka Somaliland gaadhay, laakiin qabaan in midnimo ay qaadato lagu sii adkaan karo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ka hadlayey kulan su’aalo lagu weydiinayey ayaa sheegay inuu jiro wada xaajood dhinaca telefoonka oo dhexmaray madaxda Somaliland, intii uu burburay shirkii wadaxaajoodka Turkiga, balse hadii ajendahu wadahadalku yahay go’itaan iyo midnimo aanay ku xidhin wad shuruudo ah.

“Annigu waxaan aaminsanahay dadka waqooyiga Soomaaliya (Somaliland) dega dadna midnimada ayey u doodaan dadna kala go’a, annaga (Soomaaliya) dadka midnimada u dooda ayaa nala jooga, dadka aanu wada hadlayno waa kuwa kala go’a u dooda, dawlada Federaalka wada hadalo shuruud la’aan ah ayey diyaar u tahay, hadii Somaliland wefdigooda ku soo darsadaan nin Muqdisho u dhashay annagu dhib uma aragno, fikirkooda ayuu wataa.

Burburkii wadahadaladii Turkiga ka dib, wadaxaajood telefoon wuu na dhexmaray, wadahadal dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya waa muhiim, ajendaha miiska yaal waa midnimo iyo go’itaan, qofkan midnimada aaminsan adiga dhib kuguma hayo, maadama uu ogol yahay inuu ajendahii kaala hadlo, markaa waxaan qabnaa in Somaliland shuruudaha kale iska ilaawaan.

Xukuumada Soomaaliya iyo shacabka Koonfureed way ku faraxsan yihiin nabada iyo horumarka Somaliland ka jira, way taageersan yihiin, inay horumarto ayey rabaan, laakiin, midnimo inaan ku wada qurux badan nahay ayaan aaminsan nahay, oo wada jooga ku xoog badan nahay.

Somalilandpost.net