Burburka diyaarad Milatari iyo Gantaal 8 Mitir ah oo Ku soo Caaryey Xeebta Ceel-Sheekh ee Woqooyiga Hargeysa

Ceel-sheekh (SLpost)- Qalab milatari oo isugu jira burburka diyaarad nooceedu yahay kuwa dagaalka iyo Gantaal ay xambaarsanayd oo lagu qiyaasay dhowr Mitir, ayaa ku soo caaryey Xeebaha Galbeedka Somaliland, gaar ahaan xeebta deegaanka Ceel-Sheekh ee Woqooyiga magaalada Hargeysa.

gantaalTaliyaha Ciidanka Ilaaladda Xeebaha Somaliland Sarreeye Guuto Axmed aw-Cismaan oo isaga iyo saraakiil ka tirsan ciidanku gaadheen goobta ay walxahani ku soo Caaryeen, ayaa ka warbixiyey qalabkaas badda ka soo caaryey ah gantaal diyaaradeed oo aan qarxin iyo qaybo ka mid ah burbur diyaaradeed.

Taliya ciidanka ilaalada Xeebaha Sarreeye Guuto Axmed Aw Cismaan oo xafiiskiisa warbaahinta kula hadlayey maanta, ayaa sharraxaad ka bixiyey walxaha ku soo caaryey xeebta magaalada Ceel-Sheekh oo isla markii lagu wargeliyey ay ciidankiisu ka hawl-galeen sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen

CEELSHEEKH WASTE (2)“Waxa ay ciidanka Ilaalada Xeebuhu heleen oo badda ka soo caayay waxay u egyihiin ama uu yahayba waa Gantaal, waana gantaalaha ay diyaaradaha ugu waaweyn ee dagaalku ay qaataan. Gantaalkan dhererkiisu waa 8 mitir, balladhkiisuna waa hal mitir iyo toban senti mitir ayaanu ku qiyaasnay,markay ugu badato muddo yar oo kooban oo ilaa siddeed cisho ah ayuu badda ku jiray,” ayuu yidhi Taliyaha ciidanka Ilaalada Xeebaha.

“Waxa kale oo la socda oo aanu agtiisa ka hellay dabo yar oo baal diyaaradeed u eg oo ah ta leex leexata marka diyaaradda isteerinkeeda la duduwo. waxaa kale oo aanu samaynay in aanu ood ku wareejinay oo aanu dadka ka agdhaw uga dignay una sheegnay in ay ka durkaan oo ay ka fogaadaan.”

CEELSHEEKH WASTE (1)Ugu dambayn waxaa uu ka hadlay taliye Axmed Aw Cismaan in ay khuburo baadhitaan ah oo caddaan ah in ay u direen isla markaana baadhitaan lagu samayn doono.

“Waxaanu u diraynaa khuburo baadhitaan ku soo samaysa oo soo caddaysa isla markaana baadhitaan buuxa ku soo sameeya gantaalkanina waa gantaal aan qarxin oo uu ku jiro wixii qarxayay ee ku rakibnaa,” ayuu yidhi taliyuhu.

SOMALILANDPOST.NET