Bulshada Xaafadda Magaalo-Jimcaale oo Muujiyey Taageerada ay u hayaan Xisbiga Kulmiye iyo Sababta ay codkooda u siinayaan Murashax Muuse Biixi.

Hargeysa (SLpost)- Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE ee Xaafadda Magaalo-Jimcaale oo ku taala duleedka Bari ee magaalada Hargeysa, ayaa soo bandhigay cududda taageero ee ay u hayaan Xisbiga talada dalka haya iyagoo ballan-qaaday inay Codkooda la garab-taagan yihiin Murashaxiinta Xisbiga.

Taageerayaasha oo maanta Isu-soo-bax ballaadhan ka sameeyey Meel fagaare ah  oo ka tirsan xaafaddan oo ay ku dhaqan yihiin dad danyar ah oo Dowladda Hoose ka rartay Gudaha Caasimadda isla markaana ka durugsan magaalada, waxa ay dadweynaha halkaas kala hadlay Jimcaale Maxamed Ciise oo ka mid ah Odayaasha Xaafadda.

HOOS KA DAAWO WARKAN OO FAAHFAAHSAN

https://youtu.be/PF5r8zMiKcM