Bulshada Somaliyeed oo niyad wanaagsan ugu mahad celisay dhawaaqii ka soo yeedhay Dawlada Kenya ee ku saabsanaa Shirkadda Wadaniga ah ee Dahabshiil

Dahabshiil-LogoXukuumadda Kenya waxa ay dhowaan soo saartay dhawaaq aad ay ugu farxeen dhegaha shacabka Soomaaliyeed kaas oo ahaa inay Xukuumada Kenya gar waaqsatay inay Shirkada wadaniga ah ee Dababshiil tahay mid fulisaa adeega Bulshada dan u ah oo keliya, berrina ka tahay dhaqanada ay ku dhaqmaan cadowga soomaalidu ee ah inay marsadan lacagaha iyo adeeg kale toona.

Waxana dhawaaqa dhowaan ka soo yeedhay Wasaaradda arrimaha dibeda ee Kenya uu ahaa mid ay ku diirsadeen kumanaan ka mid ah Bulshada uu adeega hufan u qabto Dahabshiil, iyagoo mahad ballaadhan u diray cid kasta oo ka shaqeysay arrintan xasanaadka badani ku jiro, Hargeysa Goobaha ay bulshadu ku kulanto waxa si weyn loogu hadal hayey dhawaqa farxada leh ee ka soo yeedhay Kenya, waxana aad  arkeysay shacab badan oo niyad wanaag kusoo dhoweynaayey talaabadan horumarka leh ee isku soo dhowaan shaha abuureysaa.

Isla markana tilmaameysaa hanaanka adeeg ee shirkadda Dahabshiil inuu yahay mid sharci ku dhisan oo aan laga leexan wax kastaba hadii ay dhacan, oday da’ah oo ka mid ah dadka Lacagaha looga soo diro dalka Kenya macmiilna la ah shirkadda Caalamiga ah ee Dahab shiil ayaa yidhii Sidan ”anigu weligaybaa waa ogaa inuu Dahabshiil daacad yahay oo wadani yahay, dhawaaqii hore ee Kenyana waxa uu ugu noqday Caqabad inkasta oo aanu raagin markiiba shirkadda Dahabshiil la fasaxay… waa hubaal inay Dawladda Kenya ay tahay mid sharciga ku dhaqanta waayo waynu ogeyn inuu dahabshiil ummadda baahi tiro, sidoo kalena, isku xidho qaaradaha aduunka iyo Soomaliya hayaana shaqo bulshadu si weyn u tabeysay, waana dhawaaq farxadeed allena ha ugu wado”.

Shirkada wadaniga ah ee Dahabshiil ayaa muddo dheer ka qayb qaadaneysay la dagaalanka aafooyin badan kuwaas oo ay kaga qayb qaadaneyso sugida amniga, shaqo abuurka Bulshooyin badan, tirtirida ama la dagaalanka Qabyaalada, bilicda magaalooyinka iyo Horumaradda dhinaca ganacsiga ee ay sameysay waxaynu Qodob qodob u dul istaagi doonaa arrimahan aynu ka dhaqaajinay.

 

Ugu horeyn shirkada wadaniga ah, ee Dahabshiil waxa ay si cadaan ah uga soo hor-jeeda falka foosha xun ee lagu bartilmaameed sado Dawladaha jaar iyo aduun-weynaha iyadoo si gaar ahna uga soo hor-jeeda dhacdooyinka ay fuliyaan Cadowga ummaddaha walaalaha ah,  ee lagu kahl-khal gelinaayo dalalka jaarka, iyadoo wixii waajibaad ah ee kaga soo hagaga sugida amaanka aan ka hagran doonin wax kastana ka horumarin doonta danta iyo guud ee bulshooinka ku dhaqan adduunka iyo dalalka soomaaliya la jaarka ah-ba, waxa ay cid kasta oo ku hawlan shaqooyinkaas foosha xun ugu baaqda inay gacmaha ka laabtaan, kana shaqeeyan dhinaca Horumarka iyo wada-noolashaha dadka.

Shirkada wadaniga ah ee Dahabshiil Bulshada soomaaliyeed iyo umad kasta-ba kama hagrato marka ay Baahiyo soo korodho, ama ay dhacan alle ha inaga hayeen Masiibooyinka, sida abaaraha oo ay ka geysato gurmad weyn, dhinaca wadooyinka oo ay qayb Liibaax ka qaatan dhismayaashooda. Adeega fududeysta marka cid way wax uga baahato oo ay isha bidhiqdeeda ku qabaneyso.

la soco tobaadka danbe…

W/Q: Qaasim abokor Faarax.

Qaasim4422@gmail.com

Hargeysa/Somaliland