Bulshada Somaliland-ney u garqaada Xukuumadda iyo Mucaaradka una sheega runta cidii qaldan

Tan iyo maalintii uu madaxweyne silaanyo u dhaqaaqay safarkiisi Gobolada bariga ee ka bilaabmay 14/09/2013-19/09/2013 waxa soo baxaayey hadalo ka soo yeedhay mucaaraadka dalka kuwaas oo xitaa garan waayey madaxweynuhu inuu dalka ka dhoofay iyo inuu joogo marka la eego hadaladii ka soo yeedhay Xasan guure iyo Ucid ee ahaa madaxweynuhu waxa uu ka baxay Dalka isaga oo Madaxweyne ku xigeenkiina dalka ka maqan tahay.

Hadaba taasi waxa ay muujisay aqoon darada mucaaradka iyada oo bulshaduna la yaabtay garawsatayna in xaalka mucaaradku yahay nacayb iyo xumaan ururtay oo ay ka qaadeen horumarka madaxweyne silaanyo iyo xukuumadiisu ay dalka u hogaamisay mudadii uu xilka haysay.

Waxa xusid mudan oo in bulshadu ogato ay tahay in madaxweyne Axmed Silaanyo helay furaha guusha somaliland gobol ilaa degmo isaga oo raacaya wadadii dalkani ku talaabsan lahaa aniga oo tusaale gaaban kugu soo qaadanaya safarkii u danbeeyey ee ahaa in uu madaxweynuhu dhiirigeliyo gobolada iyo degmooyinka tusayna in dalku wax qabsan karo marka loo eego mashaaricdii qiimaha badnayd ee uu xadhiga ka jaray kuwo kalena ku dhagax dhigay taasi oo marxaati ay u  tahay in madaxweynuhu ka dhabeeyey waxqabadkiisa tusaalena aynu u soo qaadan doono meelaha uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray inay yihiin meelo uu hore dhagax u dhigay balse ka hirgalay una fulay sidii loogu talo galay.

Waxa iyana xasuus gaara leh in madaxweynuhu uu safarkiisa u kaxaysto wasiiradii ay u baahnaayeen deegaamada uu maraayey oo uu marwalba hadalka siinayey cida ay khusayso shaqadan horumarinta Dalka ee uu madaxweynuhu u socdo taasi oo aan tusaale kooban u soo qaadan doono.

1.     Wasiirka wasaaradda  Deegaanka oo marka ay deegaan noqoto ka hadlaysay wixii uu la qaban karo bulshada.

2.     Wasiirka Wasaaradda Beeraha oo ahaa masuul ay mahadiyeen sida haladadooda ka muuqatay dadka beeralayda ahi ama deegaamadaasi

3.     Wasiirka Madaxtooyada oo isagu ahaa masuulkii ugu sareeyey ee ka socday Hay’adda Wadooyinka oo halkaasi ay bulshadu ku soo dhawaysay wax la taaban karana ka qabtay wadada Burco ilaa Oodweyne iyo kuwo kale oo  badan.

4.     Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada oo iyana Safarka Madaxweynaha ku wehelinaysay markasna ahayd wasiirka ku hawlan horumarinta bulshada iyo in ay helaan aqoon ku filan oo anfacda deegaamadaasi iyo dalkaba.

Hadaba tusaalahaasi ha igaga eekaade intaase ma kula tahay madaxweynaha Somaliland oo aad arkayso dedaalka uu bulshada ugu jiro iyo sida qiimaha leh ee uu u qadariyey bulshadiisa kala duwan in la yidhaahdo waxa uu dhagax dhigay Wado aanu samayn Karin mase kula tahay mucaaradka aad ogtahay ama aad aragtay in aanay dalka u haysan Berbera, Burco, Oodweyne iyo Baligubadle in ay qiimayn karaan wadada madaxweynuhu dhagax dhigay iyada oon weliba la gaadhin xiligii la bilaabi lahaa mase kula tahay mucaaradku waxa ay ka run sheegayaan dedaalka madaxweynaha.

Isku soo wada duubo mucaaradnimada maanta jirtaa waa taasi waa ta abuurtay xaasidnimo intaasi leeg in ay kula kacaan bulshada qiimaha badan iyaga oo weliba sida la ogyahay waraaqo u diray cid kasta oo dalkan wax ka qaban lahayd uuna muujisay in aanay dalka waxba ka qaban taasina waxa ay u muuqataa mid ay mucaaradku dalkan ku curyaaminayaan balse waxa aan u sheegayaa aniga oo ku hadlaaya afka dhalin yarada Aqoon yahanka dalka ah in aanan ka yeelay taasi ee dalkan aanu doonayno cid nagu garab istaagta oo wax u qabata si aanu beri u helno Dal iyo Dawlad hanaqaad ah mustaqbal ku yeelata bulshadeeda.

Alle hayna garansiiyo Wixii wanaagsan

By: Nuuradiin Saleeban Cali

Hargeisa/Somaliland