Bujumbura: Ciidamada Taageersan Madaxweyne Pierre Nkurunziza Oo Laba Sarkaal Iyo Wasiir Hore U Xidhay Af-gembigii Fashilmay

Bujumbura, (SLpost)- Ciidamada dalka Burundi ee taageersan madaxweynaha dalkaas ayaa xabsiga u taxaabay saddex qof oo la sheegay inay ka mid yihiin kuwii isku dayay af-gembigii fashilmay ee ka dhan ka ahaa madaxweyne Pierre Nkurunziza.burundii

Af-hayeen u hadlay madaxtooyada Bujumbura ayaa wakaallada wararka ee Reuters  u sheegay in dadka la xidhay maanta oo jimce ah, kuwaasoo uu ka mid yahay sarkaal sare oo ciidanka booliska ku jiray iyo laba askari.

Af-hayeenka ayaa intaas ku daray in ay ciidanka amaanku raadiyaan oo ay ku daba jiraan sarkaal hogaaminayay kooxdii isku dayday af-gembiga “Weli waa lagu daba jiraan.”

Dhinaca kale af-hayeen u hadlay kooxda samaysay isku dayga inqilaab ee fashilmay ayaa u sheegay wakaallada wararka ee AFP in isku daygoodii ay ka noqdeen ka dib markii ciidamada madaxweyne Pierre Nkurunziza taageersani ay xidheen ku-xigeenkii hawl-galkaas Cyrille Ndayirukiye iyo saraakiil kale.

Somalilandpost.net