Buhari: Waan ka adkaanay Boko Xaraam

Nigeria(SLpost)-Madaxweynaha Nigeria, Mohammadu Buhari, ayaa BBC-da u sheegay in ciidammadiisa ay ku dhow yihiin jebinta ururka Boko Xaraam.

Mr Buhari ayaa sheegay in dagaalyahannada ururkaasi aanay hadda lahayn awood ay ugu hortagaan ciidammada Nigeria, ama ay ku bartilmaameedsadaan goobaha ay dadka ku badan yihiin.

Waxa uu intaa ku daray in taagtooda ay hadda isugu soo hartay qaraxyada ismiidaaminta ah.

Madaxweyne Buhari ayaa tilmaamay in Boko Xaraam laga saaray gobolada Adamawa iyo Yobe, balse ay weli ku sugan yihiin qeybo ka mid ah gobolka Borno.

Ururka Boko Xaraam ayaa lagu soo warramayaa in labadii bilood ee lasoo dhaafay uu fuliyay in ka badan boqol weerar, kuwaasi oo ay ku dhinteen dad ka badan kun qof.

Mr Buhari ayaa markii la dooranayay ballanqaaday inuu ka adkaanayo Boko Xaraam dhammaadka sanadkan.