Budhcad-badeed Soomaali ah oo lagu qabtay Xeebaha Galbeedka Somaliland

Hargeysa, 29 March, 2012 (SLpost)- Ciidanka Ilaaladda xeebaha Somaliland ayaa galabnimadii maanta gacanta ku dhigay Koox Budhcad-badeed Soomaali ah iyo Laash nooca dheereeya ah iyaga oo ku sugan meel u dhow Xeebta Buulo-Xareed oo masaafo ahaan 10KM dhanka Galbeedka ka xigta magaalada Lughaya ee Gobolka Awdal.

Sida uu Xaqiijiyey Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Admiral Axmed aw-Cismaan, waxa ciidanku kooxdan badhucad-badeedda ah gacanta ku dhigay Abbaaro 4:00 Galabnimo ee Maanta. Taliyaha oo Arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Abaarro 4:00 galabnimo ee maanta waxa ciidamada ilaaladda xeebaha Somaliland ay gacanta ku dhigeen afar nin oo budhcad badeed ah iyo laashkii ay wateen,”

Admiral Axmed waxa uu in nimankan ay ka yimaadeen Magaaladda Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland, una socdeen sidii ay Biyaha Somaliland uga Afduubi lahaayeen Maraakiibta.

Taliyuhu waxa uu ammaanay ciidanka ilaalada xeebaha ee gacanta ku dhigay kooxdan, waxaanu xusay in ciidanka xeebuhu ay mar walba heegan culus kaga jiraan Xeebaha Somaliland, isla markaana ay u diyaar yihiin inay dalkooda ka difaacaan cid kasta oo dhibaato ama sumcad-xumo la damacsan.

Taliyuhu wuxuu sheegay in nimankan budhcad badeeda ah la hor geyn doono Sharciga isla markaana lagu xukumi doono dambiga bad-jiifnimo ee ay Somaliland ula soo badheedhen.

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland