Budhcad-badeed Soomaali ah oo Afduubay Markab laga leeyahay Hindiya

Muscat (SLpost)- Budhcad-baddeed Soomaali ah ayaa la sheegay inay Markab kuwa Shidaalka qaada ah oo laga leeyahay dalka Hindiya ay aroortii hore ee dorraad afduub kaga qabsadeen meel ku dhow Dekedda Salalah ee dalka Cummaan.

Saraakiil ka tirsan dekedda Salalah ayaa laga soo xigtay in budhcad-badeeddu ay ula jiheysteen markabka iyo shaqaalihiisii oo 21-qof , kuwaasoo u dhashay dalka Hindiya dhinaca dalka Soomaaliya.

“Markbka MV Fairchem Bogey waxaa laga qabsaday xeebta dalka Cummaan, waxaa loo weeciyay dhinaca Soomaaliya. Lama sheegin khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaadhay shaqaalihii la socday,” ayuu yidhi Peter Ford oo ka tirsan dekedda Salalah ee dalka Cummaan.

Madaxa hay’adda maraakiibta dalka Hindiya ayaa isugna xaqiijiyay afduubka markabka shidaalka qaada iyo shaqaalihii la socday. Waxaana markabka oo ay iska leedahay shirkad fadhigeedu yahay magaalada Mombai ee dalka Hindiya ayaa la sheegay inuu waday shidaal uu ka soo qaaday dalka Sucuudiga oo uu u waday dalka Shiinaha.

Weerarka lagu qabsaday markabkan ayaa imanaya iyadoo dhawaan madax-furasho lacageed lagu siidaayay markab iyo shaqaale ay haysteen kooxaha budhcad-badeeda Soomaalida ah.