BUD-DHIGGA HALYEYGII QARNIGA, NELSON MANDELLA (Ma Laga Yaabaa Inuu La God-Galay Islaamnimo?) – Qalinkii: Xassan Cumar Hoorri

Maanta, 15kii December 2014 waxaa loo dareeraray aaska haldoorkii Afrika, hoggaamiyahii ku dayashada mudnaa iyo halyeygii qarniga, Nelson Mandella. Waxaa la bud-dhigay tuulada Qunu halkaas oo uu ka soo jeedo. Waxaa uu ku soo barbaaray isagoo subax kasta caga-caddaan ugu kallaha iskuulka uu ka soo aflaxay. Hase ahaatee, adduunka, maanta, laga ma sagootinayo wiilkii cagaha-caddaa. Balse, si tiiraanyo leh waxaa, guud ahaan, dunida looga baroor-diiqayaa halyey aanu dhiggiisu soo marin dunida maanta. Waxaa uu geeriyooday 5tii December isaga oo 95 jir ah.

aaskii-halyaygii-mandelaMeydka waxaa lagu ambabixiyay Muusigga Calanka. Ka dib, afhayeenka qoyska Caaqil Ngangomhlaba Matanzima ayaa ku tiraabay, “geed weyn ayaa maanta jabay, waxaana uu ku biiri doonaa awowyadii aannu ku mahadinayno in ay noo dhaleen halyaygan. ”
Aaska waxaa loo qaabeeyay sidii lagu yaqaanay dhaqanka beeshiisa Xhosa. Marwadiisa, Graca Machel, iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa ka mid ahaa dadkii ugu danbeeyay oo ka daymo sugtay muuqaalka meydka oo kafan looga dhigay calanka dalka, isla markaana, waxaa kor heehaabayay saddex dayuuradood oo ku xardhan midabada calanka K. Afrika.
Runtii, Mandela waxaa guusha u horseeday dhaqankiisa oo lagu suureeyo in uu ahaa kan Islaamka. Rasuulka Allah (NNKA) sida uu innoo sheegay ‘xikmadda’ ama nuxurka garashadu waa baadi ka luntay Mu’minka, waxaana habboon meel kasta oo ay taallo in uu Mu’minku sheegto kuna dhaqmo. Sidaa darteed, marar badan waxan is-weydiiyaa, malaha Mandela waxuu ahaa Muslim?
Waxaa uu la soo dhaqmay rag badan oo Muslim ah, kana soo jeeday qaaradda Aasiya, kuwaas oo la soo aasaasay xisbiga ANC, lana soo halgamay, isla markaana, muddo dheer ku weheliyay xabsiga. Waxaa uu dersay diinta Islaamka. Waxaana ka muuqatay sifooyinka wanaagsanaa ee diintu inna farrayso sida samir, dulqaad iyo is-cafin.
Markii ugu horraysay, 5tii July, 1989 Mandela meel ka baxsan xabsiga waxaa uu ku la kulmay Madaxweynahii K. Afrika, P.W. Botha, kaas oo loo yaqiinay Groot Krokodil (Yaxaaskii Weynaa). Mandela, si kal iyo lab ah waxaa uu durbaba u cafiyay ninkii isaga iyo dadkiisaba ka galay gabbood-fal kii ugu xumaa. Waxaa uu saamaxay nidaamkii lagu hayb socay dadkiisa. Run ahaantii, Mandela ma iloobi karayn xeerkii ninka cad u jideeyay inuu xukuumadda u raadsado rasaasta uu ku laayo dad madow. Hase ahaatee, waxaa uu ka warqabay dadkiisa la il-darran jahliga, saboolnimada iyo dulmiga boqollalka sannadood soo jiitamayay in aanay aargoosi waxba ku dheefayn.
Mandela, mar kasta, waxaa uu u xaglinayay dhaqanka Islaamka. kolkii loo dhaarinayay xilka Madaxweyne, si ka baxsan distuurka, waxaa uu ku dhaartay kutubta Furqaan (Islaamka), Injiil (Masiixiga) iyo Tooraat (Yuhuudda) isaga oo ku hormaray kitaabka Furqaan. Isla maalintaa, markii uu xilka guddoomay, waxaa uu soo booqday goobaha cibaadada sida Misaajid, Kiiniisad iyo Synagogue (Yuhuudaa), waxaana uu ku hormaray booqashada Misaajidka. Sidoo kale, markii uu mehersanayay ooridii uu ka geeriyooday saaxiibkii Samoro Michel waxaa uu ku meheriyay diinta Islaamka, tan Masiixiga iyo ta Yuhuudda. Mar kasta, Islaamka ayaa uu siinayay mudnaanta kowaad!!!
Si kastaba ha ahaatee, Mandela waxaaa uu galbaday isagoo dunida ku leh magac, maqaam sare iyo amaan uu ku mutaystay dadnimo iyo midhaha wax-qabadkiisa oo sii waaro doona. Isla markaa, waxaa uu la hoyday camalkiisa oo maantaba lagu la xisaabtami doono. Hase ahaatee, ma dhici kartaa, sidii Boqorkii Itoobiya, Al-Najaashiye in uu la god galay diintiisii Masiixiga iyo diinta Islaamka tasoo macnaheedu yahay inuu noqdo nin if iyo aakhiroba liibaanay? Allah, korray oo sarreeye ayaa innaga og.

Xassan Cumar Horri waa suxufi ka faallooda arrimaha Afrika iyo Bariga Dhexe.

Kala xidhiidh horri@somalilandsun.com

ama ku tixraac @horrimania