Britain oo aqoonsatay ninkii ku jiray muuqaalka IS

UK(SLpost)-Sirdoonka Britain ayaa BBCda u sheegay in ay rumeysan yihiin in ay aqoonsadeen ninkii sida weyn looga shakisnaa ee ka soo muuqday cajaladdii ugu dambeysay ee borobogaandada aheyd ee ay soo dirtay Kooxda Dowladda Islaamka.

Siddartha Dhar ayaa ahaa Hindu ku noolaa bariga London, waxa uuna qaatay diinta Islaamka islamarkaana waxa uu la baxay Abuu Rumaysah.

Wareysi ay la yeelatay BBCda bishii Agoosto ee 2014-kii ayaa waxa uu aad ugu taageeray kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamiga ah.

Bil kaddib Dhar ayaa waxaa loo xiray eeda ah in uu taageerayay kooxda xagjirka ah ee Al-Muhaajiruun hasayeeshee waxa uu ka baxsaday gacanta booliska kaddib markii damiin lagu sii daayay waxa uuna galay Suuriya.

Qof ay ninkaasi saaxiibo ahaayeen ayaa BBCda u sheegay in uusan shaki ku jirin in codkaasi uu yahay isaga.

Gabar la dhalatay Dhar ayaa iyana BBCda u sheegtay in markii ay maqashay codka ku jiray muuqaalka ay markii horaba u malaysay codka walaalkeed balse aysan arrintaa xaqiijin karin.

Ma aysan jirin wax si rasmi ah u xaqiijinaya haybta ninka wejiga duubtay.

Siyaasadda Mi5 kuma jirto in ay xaqiijiyaan ama beeniyaan macluumaad ku saabsan baaritaan socda.