Britain …Aftida Loo Qaadayo Kasii Mid ahaanshaha Midowga Yurub oo Gashay Maalintii ugu Dambaysay

Britain…Aftida Loo Qaadayo Kasii Mid ahaanshaha Midowga Yurub oo Gashay Maalintii ugu Dambaysay

index index1

(SLpost)- Dawlada Britain   oo kamida dowladha ugu waawayn midowga yurub ayaa sheegtay inay khamiista
cod u qaadayso inay ka sii mid ahaato midowga yurub iyo inkale.

doodii ugu horaysay ee tv ka baxda oo  xalay  ay isku soo horfadhiisteen duqii hore ee magaalada london iyo duqa wakhtiga xilka hayaa ayaa lugu lafo guray arimo badan isoo midkastaaba golaha keena wax uu ku difaacayo aragtidiis.

Duqii hore ee magaalada london mr.Johnson   ayaa isagu ku doodaya inay wadanka ingiriis guul utahay inayka baxaan midowga yurub isagoo sheegay hadii maalinta khamiista ay taa xaqiijiyaan ay noqon doonto buu yidhi maalintii xoriyad ugu horaysay wadankan.

dhanka kale duqa haatan magaalada london ayaa isagu qaba arin taa ka duwan isagoo sheegay inay danwayni ugu jirto inayka sii mid ahaadaan midowga yurub sidoo kalena   waxa uu sheegay inka badan shan milyan oo muwaadiniin reer Britain ahi ka shaqeeyaan shirkado ay leeyihiin dad ka soo jeeda wadamada midowga yurub.

Labada kooxood ee siyaasiyiinta ah  ayaa socdaalo ku gaalaa bixinaya dhamaan magaalooyinka wadanka Britain iyadoo qolo kastaa raadinayso sidii ay u kasban lahayd codadka ugu badan ee guusha.

Ra iisal wasaaraha Britain ayaa isagu sheegay in ay dani ugu jirto kasii mid ahaanshaha midowga yurub
isagoo sheegay inhoos u dhac badani ku iman doono dhaqaalaha iyo sidoo kaleba siyaasada wadankahadii ay ka baxaan midowga yurub.

Sidoo kale midowga yurub ayaa sheegay inaanay suuro gal noqon doonin wadaxaajood dambe oo ay Britain ka gasho
xubin nimadeeda midowga yurub codayntanina ay noqon doonto midkama dambays ah.

Edinburgh, Scotland, UK. 18th September 2013. People fly the British and Scottish flags outside the Scottish Parliament prior to the debate on the future of Scotland. Credit: Steven Scott Taylor/ Alamy Live News...DEGWFA Edinburgh, Scotland, UK. 18th September 2013. People fly the British and Scottish flags outside the Scottish Parliament prior to the debate on the future of Scotland. Credit: Steven Scott Taylor/ Alamy Live News