Boris Johnson oo loo doortay Raysalwasaaraha Cusub ee dalka Britain

London (SLpost)- Boris Johnson ayaa loo doortay hogaamiyaha xisbiga Conservative-ka, codbixin ay ka qayb qaateen xubnaha xisbigaasi, waxaana sidoo kale uu noqon doona Ra’iwalwasaaraha cusub ee UK.

Mr Johnson ayaa si fudud kaga guuleystay Jeremy Hunt ka dib markii uu helay 92,153 oo cod halka ninka la loolamayey uu helay 46,656 cod.

Mayor-kii hore ee magaalada London ayaa xafiiska kala wareegay Theresa May maalinimada Arbacada ah.

Hadalkii uu jeediyey markii guushiisa lagu dhawaaqay ayaa Mr Johnson wuxuu balanqaaday inuu meel marin doono qorshaha ka bixitaanka UK ee midowga Yurub, dalkana mideyn doono, isla markaana uu ka guulaysan doono hogaamiyaha xisbiga mucaaradka Jeremy Corbyn.

Mr Johnson ayaa u mahadceliyey Mrs May oo uu badalayo, waxaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu ka mid ahaa golaheeda wasiirada,

Mr Johnson ayaa ahaa xoghayaha arrimaha dibada ka hor aanu iska casilin xilkaasi arrimo ku aadan ka bixitaanka UK ee midowga Yurub.