Borame: Gujadii Badhasaabka, Gadoodkii Xildhibaannada, Goosankii ka Dhex-mudhay, Guuxii Madasha iyo Gar-naqsigii ka dambeeyey

Boorama (SLpost)- Kulan uu ka qayb-galay badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo tabobar loogu furayey mudaneyaasha Golaha deegaanka Boorama, ayaa sababtay inay gadoodaan xildhibaannada Golahaas, kaddib markii uu badhasaabku ku cannaantay xildhibaannada in is-jiid-jiidadkoodu fadhiid ka dhigay isla markaana magaalada Boorama ka reebay caasimadda gobollada kale ee dalka.

ramaaxKulan-howleedka oo ku qabsoomay Hoolka Shirarka ee Dowladda Hoose ee magaalada Boorama oo xildhibaannada tabobar loogu qabtay, waxa uu Badhasaabka Awdal ka jeediyey khudbad canaan u badan oo uu kaga hadlay dib-u-dhacyo ka jira nidaamka maamul iyo hawl-qabad Golaha deegaanka, waxaanu si gaar ah ugaga hadlay khilaafyo inta badan soo kala dhex-gala mudaneyaasha iyo Maayarka Caasimadda gobolka Awdal oo sababta in hawl-qabadka golahaasi uu ka qabsoomi waayo kala-qayb-sanaan soo kala dhex-gasha Xildhibaannada.

Canaantii Ramaax iyo Foorarkii Xildhibaannada

Waxa uu badhasaabku sheegay in dowladda hoose ee magaalada Boorama tahay Golaha deegaanka kaliya ee intii la soo doortay aan wax miisaaniyad ah gudbin, taasna ay sabab u tahay khilaaf iyo is-qab-qabsi u dhexeeya mudaneyaasha iyo Maayarka.

“Immika waxa taala waxyaabo badan oo waajibaadkiina ah, qofkuna haddii uu tiisa waxba ka qaban waayo, ta dad kalena inuu wax ka sheego maaha, magaalo ayaa idin soo dooratay, waxa aad tihiin magaalada Kaliya ee dalka oo dhan aan la gudbinin wax miisaaniyad ah. Inaad isku timaaddaan waa dhib, Isu-kaalaya waxbaynu dhisaynaaye waa dhib, isu-kaalaya shaqadii aad lahaydeen baa qabyo ah  oo howshii u xanniban tahaye, waa dhib,” Sidaas waxa yidhi Badhasaab Ramaax oo jewi deggen ku bilaabay khudbad canaan u badnayd oo u jeedinayey mudaneyaasha Golaha Deegaanka Boorama oo kala-qaybsanaan in muddo ah u dhaxaysay sababtay inaanay mar kaliya isugu iman kulan loo dhan yahay oo lagaga dooday miisaaniyad-sannadeed Dowladda Hoose tan iyo wixii ka dambeeyey doorashadii Goleyaasha deegaanka ee sannadkii 2012-kii.

Badhasaabka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waan idinka joojinayaa, Mushahar baan lays weydiinayn, mushaharkii shaqaalaha Wallaahi haddii aan Wiiggan la saxeexin, mushahar dambe oo la qaadanayaana ma jiro,  go’aanna waa laydinka qaadanayaa hadday yihiin xildhibaannada iyo maayarkaba.

Wasiirka (Daakhiliga) halka aanu isla gaadhnay waxa weeyi, dalkaas dhan xataa Tuulooyinkii waa la keenay miisaaniyaddii, degmadii Boorama miisaaniyaddeedii waxa haysta xildhibaanno.”

Guddoomiye Ramaax waxa uu si guud dhaliilo ugu jeediyey mudaneyaasha Goleyaasha Deegaanka dalka ee ku soo baxay doorashadii dalka laga qabtay daba-yaaqada sannadkii 2012-kii, kuwaas oo uu ku eedeeyey inay gaabiyeen xil-gudashadii loo igmaday, waxaanu yidhi, “Xildhibaan-xumadu ma haysato halkan oo kaliya, waddanka oo dhan baa wada xildhibaanno xun. Haddii aan dadweynaha ka mid ahay ama is-yidhaahdo Afkooda ku hadal, xildhibaannada waddanka ee la doortay ee deegaannada lama mahadin ee kuwii horaa ka fiicnaa. Waayo rag waayeel ah oo Isu-yimaadda, ayay ahaayeen. Laakiin, niman aan canaan oggolayn, niman aan oggolayn inay isu-yimaaddaan, niman aan isu-tanaasul lahayn, niman aan shaqadoodii garanayn, niman uu nin waliba isagu amiir yahay.”

Gadoodkii Mudaneyaasha iyo Jewigii Madasha

Xildhibaannada kulanka ka qayb-galay intooda mucaaradka ku ah maayarka, ayaa u muuqday qaar dhibsanayay weedhaha canaanta ah ee ka soo baxayey Afka Guddoomiyaha Gobolka Awdal oo ay u arkayeen hanjabaad.

Guddoomiyaha oo weli la hadlaya mudaneyaasha, waxa mar kaliya goobta ka bilowday buuq iyo sawaxan ku dambeeyey inay mudaneyaasha intooda badan ka kacaan fadhiga isla markaana dibadda uga baxaan hoolka tabobarku ka socday, iyaga oo mudaneyaasha qaarkood markii ay kaceen fadhiga hadal guddoomiyaha ka hor-geynayey weedho ay ka mid ahaayeen; “Xaggeed Nagu aragtay Annaga shalaybaad timide.” “Xaggeed noogu hanjabaysaa.” “Waanu isaga baxaynaa meesha ee ina mariya.”

“Adeer Kii kacayaa, ha iska kaco,” weedhahaas waxa mudaneyaasha cadhooday ka sii daba-tuurayey badhasaabka gobolka Awdal oo weli sii watay khudbadiisa.

Xildhibaannada cadhooday oo u holladay inay isaga baxaan hoolka kulanku ka socday, waxa led-qabo kala daba-tagay si ay dib ugu soo celiyaan kulanka, mudaneyaal kale oo Saaxiibbadoodii gadooday ka hor-joogsaday inay ka baxaan kedinka hoolka tabobarku ka socday. Waxaanay taasi suurto-galisay in mudaneyaasha cadhooday qaarkood dib ugu laabtaan halkii ay ka kaceen.

Marka laga yimaaddo mudaneyaasha ka cadhooday hadalka Guddoomiyaha, waxa jiray mudaneyaal aan kuraasidooda iska fadhiyey balse ay isku-feker ahaayeen xildhibaannada cadhooday, kuwaas oo intii ay socotay lad-qabaynta mudaneyaasha kale, badhasaabka u soo bandhigay gar-naqsi ay isaga leexinayaan dhaliilaha Md Ramaax u jeediyey, waxaanay badhasaabku u sheegeen in maayarka magaalada Borama uu iska leeyahay masuuliyadda dib-u-dhacyada ku yimi Miisaaniyadda Dowladda Hoose, tiraba dhowr jeerna ay kala hadleen kana dalbadeen inuu golaha horkeeno, balse uu maayarku ka dhega-adaygay, ilaa wakhtiganna uu hortaagan yahay fadhi loo dhan yahay oo Golaha Deegaanka magaalada Borama isugu yimaaddaan.

Haseyeeshee, waxa markii dambe lagu guulaystay in mudaneyaashii gadooday dib loogu soo celiyo kulanka, in kasta oo mudenayaasha qaarkood xusul-duub looga hayey isla markaana laga horjoogay inay gacanta ula tagaan badhasaabka gobolka Awdal oo ay is-garabfadhiyeen maayarka iyo ku-xigeenka magaalada Boorama.

Jawaab-celintii Badhasaabka

Guddoomiye Maxamuud Saleebaan Ramaax oo ka fal-celinayey jewigii kacsanaanta ee Madasha, ayaa weedho xaalad-dejin ah kaga jawaabayey doodda xildhibaannada gadooday, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waan kala hadlay (Miisaaniyadda)…Miisaaniyaddan aan ka hadlayo horta qofka koowaad ee u qoolani waa aniga iyo ku-xigeenkayga. Miisaaniyadda aniga Nuqul baa lay keenay, waan ku soo celiyey, waxaan ku idhi miisaaniyad maaha, waasaaraddana (Daakhiliga) nuqul baa la geeyey. Markaa horta cidda ay tahay inay dejisaa waayo?” Ayuu weydiiyey Xildhibaannada Badhasaabka. In kasta oo mudaneyaasha qaarkood uga garaabeen inay iyagu iska leeyihiin masuuliyadda diyaarinta siyaasadda iyo dejinta Miisaaniyadda Dowladda Hoose, hadddana, laguma guulaysan in xaaladda la dejiyo, jewiga madashana lagu soo celiyo sidii uu ku furmay.

Doodda Xildhibaannada iyo Sababta Keentay Gadoodka

Xildhibaannada shalay ka gadooday canaanta badhasaabka Awdal u jeediyey oo ahaa mudaneyaasha ay is-hayaan isla markaana mucaaradka ku ah Maayarka Boorama, ayaa hadalka guddoomiye Ramaax u arkayey mid uu ugu xaglinayo isla markaana uu iyaga ugu dhufaanayo Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Saleebaan Xaddi.

Mudaneyaasha cadhooday, ayaa badhasaabka kula dooday sababta uu maamulka golaha deegaanka oo ay eedda dusha ka saareen ugala hadli waayey miisaaniyadda uu iyaga ku canaantay, “Maxaad ugala hadli weydday (Maayarka) ee aad annaga noogu caayeysaa,” sidaas waxa yidhi isaga badhasaabka hortaagan xildhibaan ka tirsan mudaneyaashii canaanta Guddoomiye Ramaax ka xanaaqay.

Gebo-gabo

Maaha markii u horeysay ee dhacdo noocan ahi bannaanka soo dhigto Kala-qaybsanaanta iyo khilaaf saddex-sanno jirsaday oo ka dhex-jira golaha deegaanka Boorama.

Kala-qaybsanaanta regaadisay Golaha Deegaanka magaalada Borama oo soo bilaabantay wax ka yar dib doorashadii Golaha deegaanka ee sannadkii 2012-kii, ayaa salka ku haysa khilaaf u dhexeeya Maayarka iyo Maayar ku-xigeenka golaha Deegaanka Boorama, kuwaas oo mudaneyaasha goluhuna la kala safan yahay, waxaana ilaa wakhtigaas tiraba dhowr jeer laysku dayay ololeyaal mudaneyaasha ka soo horjeeda Maayarku ugu jireen inay xilka kaga tuuraan Maayar Saleebaan Xaddi, taas oo sababtay in guddoomiyaha Golaha deegaanka oo booskiisa ilaashanayaa uu dedaal ka galo inuu ka hortago fadhi loo dhan yahay oo golahaasi isugu yimaaddo. Waxaana taas ka dhashay in khilaafka iyo hirdanka ka dhex-jiray maamulka iyo mudaneyaashu uu sababo in golahasi fadhiid ka noqdo gudasha waajibaadkii shaqo ee loo doortay.