Boqortooyada Sucuudiga Oo Jimcaha u dabaal Degaysa 81-guuradii ka soo wareegtay Markii Dalkaas Lagu dhawaaqay

Riyaad, (SLpost)- Boqortooyada Sucuudi Arabiya ayaa maalinta bari ah u dabaal degi doonta 81-guuradii ka soo wareegtay markii dalkaasi boqortooyada noqday isla markaana loo bixiyay magaca imika dunida looga yaqaano ee Boqortooyada Sucuudi Arabiya.

23-kii September 1932-kii ayaa boqor Cabdi Casiis Aalla Sucuud waxa uu si rasmi ah uga dhawaaqay in la mideeyay qaybihii kala duwanaa ee maamuladii dhulkii hore loogu yaqaanay Xijaas, waxaanu u bixiyay dalkaas Magaca Sucuudi Arabiya, haddaba 81-sanadood ka dib waxa dalka Sucuudigu ku xusayaa, boqortooyo aan wali shacbiga dalkaasi helin xoriyad ay codkooda ku dooran karaan, hogaamiyaha ay rabaan kuna badali karaan.

Waxa tan iyo wakhtigaas xukunka dalka Sucuudiga iska dhaxlay Boqor Cabdi Casiis iyo shan wiil oo uu dhalay, waxa kale oo dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalkaas xukuma caruurta reer Cabdi Casiis. Si kastaba ha ahaatee, haddana maamulka boqortooyada reer Cabdi Casiis waxa ay dalkaas gaadhsiiyeen horumar iyo nabad galyo buuxda, waxa kale oo ay u soo saareen batroolka iyo shidaalka caydhiin ee dalkaasi hodanka ku yahay.

Boqortooyada Sucuudigu waxa kale oo si wayn ay uga shaqeeyeen dib u dhiska iyo qurxinta dhulka barakaysan ee Makka iyo Madiina ama labada xaramayn oo magac ahaana loogu yeedho boqorka dalkaas xukuma adeegaha labada xaramayn ee barakaysan. Dalka Sucuudigu waa dalka kaliya ee jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa uu ka yaalo, kitaabka Qur’aanka kariimku kaas oo rasmi ahaan loogu aqoonsan yahay dastuurka dalkaas.

Intii ay jirtay boqortooyada Sucuudigu waxa ay xidhiidh wanaagsan la lahayd dalalka reer galbeedka, sidoo kale waxa ay si balaadhan u caawisaa wadamada muslimka ah ee saboolka ah, sida dalalka Baakistaan, Urdun, Masar, Boosniya, Jasiiradaha Komoros, Maldiif, Indoonisiya, Albaaniya iyo wadamo kale oo tira badan. Sucuudigu waa dalka ugu horeeya dhoofinta shidaalka ee aduunka, waxaanu maalin walba dhoofiyaa 11-milyan oo barmiil, sidoo kale dalkani wuxuu ugu horeeyaa kaydka shidaalka caalamka, waxaana lagu qiyaasaa in Rubuc ka mid ah shidaalka dunidu ku jiro dalkiisa.

Somalilandpost.net

Faysal Maxamed

F.maxamed@yahoo.com

Hargeysa, Somaliland