Boqortooyada Sucuudiga oo dalbaday in Albaabada loo laabo telefishanka Al-jazeera iyo jawaabta dalka Qatar ka bixiyey

Dubai (SLpost)- Dalka  Boqortooyada Sacuudiga ayaa la sheegay inuu ka dalbaday dalka Qatar inay xidhaan telefishanka  Al Jazeera iyo laba hay’adood oo cilmi-baadhis qaabilsan kulan dhowaan waddamada iskaashiga Khaliijku yeesheen.

Wakaalada wararka Faransiiska ee AFP oo soo xiganaysay ilo ku dhow kulankaa, Sacuudiga ayaa dalbaday xidhitaanka telefishanka AlJazeera iyo labada hay’adood ee Brookings Doha Centre iyo Arab Centre for Research and Policy Studies.

boqortooyadaKa dib kulan hadalo kulul laysku dhaafsaday oo 5-tii bishan waddamada iskaashiga Khaliijku yeesheen, ayaa dalalka Sacuudiga, Bahrain iyo Imaaraadka Carabtu u yeedheen safiirada u joogay dalka Qatar oo ay ku eedeeyeen inay faragelin ku hayso arrimahooda gudaha, taageerana u fidiso ururka Ikhwaan Muslimiin.

Ilo-wareedyada ay Wakaaladda wararka ee AFP soo xigatay, ayaa sheegay in Wasiirka Khaarajiga Sacuudigu Saud Al Faisal ka dalbaday xukuumadda Doha inay Xidho telefishanka Al-Jazeera oo xaruntiisu tahay dalka Qadar, kaas oo ay ku eedeeyeen inuu warar kacdoon ah ku ah maamuladooda ka baahiyo.

Sidoo kale ilahaa ayaa raaciyey in wasiirka Khaarajiga Qatar uu dalabkaas kaga jawaab-celiyey inuu yahay faragelin siyaasada gudaha ee dalkiisa oo lagu soo xad-gudbay.

Dhaleecaymo hore loogu soo jeediyey telefishanka AlJazeera ayaa tilmaamay in wararkiisu dheelitirnayn, laguna buunbuuniyo ururka Ikhwaan Muslimiin, isla markaana weriyeyaal ka tirsan telefishankaasi oo lagu eedeynayo taageeradooda Ikhwaan Muslimiin maxkamad kaga socoto dalka Masar.

Inta badan waddamada Khaliijka Carabta ayaa taageeray inqilaabkii milateriga ee Masar xukunka kaga tureen Madaxweyne Mursi, dhaqaale badana u yaboohay, halka dalka Qatar u muuqday inay gudhayso taageeradiisi balaadhanayd ee madaxweyne Mursi.

SOMALILANDPOST.NET