Boqorka Sucuudiga oo Wiilkiisa u magacaabay Dhaxal-sugaha Boqortooyada – Wax badan ka Ogow siyaasadda Is-beddel ee uu Boqor Salmaan ku dhawaaqay

Riyadh (SLpost)- Boqorka Sucuudiga Salman, ayaa wax ka beddel ku sameeyey nidaamka dhaxalka boqortooyada iyo cidda talada boqortooyada dalkaas uga dambeyn doonta, isagoo dhaxal-sugaha boqortooyada ka dhigay wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan oo 31-jir ah

financialAmiirkan da’da yar oo ah Wasiirka Gaashaan-dhigga dalkaas isla markaana ahaa ku-xigeenka Dhaxal-sugaha, ayaa lagu beddelay Maxamed Bin Nayef, 57 jir ah, oo ay ilmaadeer yihiin,kaas oo sidoo kale laga qaaday xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha oo uu hayey dhowrkii sanno ee u dambeeyey isagoo masuul ka ahaa ammaanka gudaha iyo siyaasadda la-dagaalanka argagixisada ee Boqortooyada Sucuudiga.

Go’aankan ayaa ka dambeeyey kaddib markii ay fadhi isugu yimaaddeen Golaha Shuurada ee Ka Arrimiya ka go’aan gaadhista Dhaxalka boqortooyada oo ka kooban 34 xubnood, kuwaas oo 31 ka mid ah cod aqlabiyad ah ugu codeeyeen, sida ay shaacisay wakaaladda Wararka ee Sucuudigu.

wwDigreetada ka soo baxday Boqorka Sucuudiga, ayaa sidoo kale lagu shaaciyey in Dhaxal-sugaha cusub uu noqdo Raysal-wasaare ku-xigeen, waxaanay ku soo beegantahay xilli ay siyaasadda arrimaha dalkaasi ku jirto xaalad xaasaasi ah, iyadoo xaaladda caafimaad ee Aabihii Boqor Salmaan oo 81-jir ah aanay xilligan wanaagsanayn, waxaanay taasi u saamaxaysaa marka eego da’diisu inuu wakhti badan gacanta ku hayo hoggaaminta dalkaas.

Dhaxal-sugaha cusub ayaa saamayn ku leh siyaasadda dalkaas, waxaana lagu tilmaamaa inuu masuul ka yahay dagaalka Sucuudigu ka bilaabay dalka Yemen, isagoo wax ka beddel ku sameeyey siyaasadda Tamarta iyo dhaqaalaha ee boqortooyada, iyadoo siyaasaddiisu aad ugu dhawdahay isla markaana uu saaxiib dhow la yahya madaxweynaha Marakanka Donal Trump.