BOQOR CABDALLA: Taariikh-nololeedka Boqorkii Lixaad ee Boqortooyada Sucuudiga oo geeriyooday

Boqor Cabdalla bin Cabdulcasiis oo geeriyooday isaga oo 90-jir ah

Riyadh (SLpost)- Boqorkii Dalka Sucuudiga, Abdullah bin Abdulaziiz, ayaa ku geeriyooday cusbitaal ku yaala magaalada Riyaadh ee caasimadda Sucuudiga, sida laga shaaciyey telefishanka dawladda oo warkan baahiyey.

Warkan ayaa soo shaac-baxay ka hor intii aan laga sheegin warbaahinta dalka Sucuudiga, gaar ahaan telefishannada oo dhammaantood laga daaray Qur’aanka Kariimka ah, haseyeeshee abbaaro 1:00 AM ee Saacadda dalka Sucuudiga habeenimadii Jimcaha, ayaa si rasmi looga shaaciyey Telefishanka dawladda.

boqor-cabdallaBoqor Cabdalla oo laba todobaad cusbitaalka loo dhigay Xannuun ka asiibay Sambabada, ayaa si ku-meel-gaadh ah xilka ugu sii wareejiyey nin ay walaalo yihiin oo lagu magacaabo Salman bin Abdulaziz oo da’diisu tahay 79-jir, waxaana booska Amiirka dhaxal-sugaha ee Salmaan banneeyey loo magacaabay wiil ay xagga Aabbo ka walaalo yihiin boqorka geeriyooday oo lagu magacaabo Moqren bin Cabdulcasiis Al-Sacuud.

Alle ha u naxariistee, Boqor Abdullah bin Abdulaziz oo da’diisu ahayd 90-jir, ayaa noqonaya wiilkii Shanaad ee ku fadhiista kursiga Boqortooyada Sucuudiga ee uu aasaasay Aabahooda Boqor Cabdulcasiis Al-Sacuud, waxaanu xilkaas la wareegay sannadkii 2005-tii.

Taariikh Nololeedkii Boqor Cabdalla

Waxa uu sannadkii 1924-kii ku dhashay magaalada Riyadh ee dalka Sucuudiga. Waxa iska dhalay ninkii Aasaasay Boqortooyada Sucuudiga Boqor King Abdulaziz bin Abdulrahman al Saud iyo hooyadii lagu magacaabi jiray Fahda bint Al-Asi Al-Shuraim.

Waxa uu ka mid ahaa 37 wiil oo uu dhalay Aabihii Abdulaziz bin Abdulrahman al Saud.

Alle ha u naxariistee, boqor Cabdalla waxa uu dhalay carruur badan, haseyeeshee lama garanyo tirada carruurtiisa, waxase laga xusi karaa inay ka mid yihiin Mitab, Abdulaziz, Mishal, Faisal, Badr iyo wiilkiisa u weyn oo lagu magacaabi jiray Khaalid, kaas oo dhintay sannadkii 2011-kii isaga oo da’diisu tahay 54-jir.

Intii u dhaxaysay sannadihii 1962 ilaa 2010, waxa uu noqday abaan-duulaha ilaalada Jamhuuriga ee Sucuudi Carabiya.

1975-1982 waxa uu noqday raysalwasaare ku-xigeenkii labaad ee dalkaas.

Sanadkii 1982-kii oo uu geeriyooday Boqor Khaalid, kursiga boqortooyadana uu fuulay ninkii uu kursiga ka dhaxlay ee Fahad Bin Abdulaziz oo ay xagga Aabo ka walaalo ahaayeen, waxa uu Boqor Cabdalah noqday Dhaxal-sugaha boqortooyada Sucuudiga.

Sannadkii 2005, waxa uu noqday Boqorkii lixaad ee Dalka Sucuudiga, kaddib markii uu geeriyooday Boqor Fahad bin Abdulaziz al-Saud.

Sannadkii 2010 waxa uu xilka taliyaha Guud ee Ilaalada Jamhuuriga Sucuudiga ku wareejiyey Inankiisa oo lagu magacaabo Mitab bin Cabdallah.

Intii uu xilka hayey waxa geeriyooday laba nin oo ay walaalo yihiin oo isaga kala dambeeyey xilka Dhaxal-sugaha Boqortooyada.

SOMALILANDPOST.NET