Boqor Buur-madow oo Xabsiga loo taxaabay iyo Taliska Booliska oo ka hadlay Eedo loo haysto

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Boqor Cismaan aw Maxamuud Buur-madow oo sida lagu eedeeyey loo haysto inuu been-abuur iyo hadallo aanay cidi ku wehelin ka jeediyey xaflad todobaadkan lagu caleemo-saaray mid ka mid ah madax-dhaqameedka maamul-goboleedka Puntland oo uu ka qayb-galay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis ayaa warbaahinta u xaqiijiyey xadhiga Boqor Buur-madow oo uu xadhiggiisa ku sababeeyey inuu ogolaanshiyo la’aan aanu cidna ku metelin kaga qayb-galay xafladda Caleemo-saarka isla markaana uu madashaas ka jeediyey hadallo aanu cidna ku metelin.

Boqor Buur-madow oo xafladda Caleemo-saarka ka hadlay, ayaa sheegay inuu ka qayb-galka xafladdaas kaga qayb-galay talo-qaran oo madaxweynuhu ogyahay, isagoo halkaas ka soo jeediyey baaq nabadeed oo u dhexeeya Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland isagoo labada dhinac u soo jeediyey in kala qaado Ciidamada Isku hor-fadhiya Jiidda Xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Maamul-goboleedka.

HADDABA MUUQAALKAN HOOSE KA DAAWO HADALKA AFHAYEENKA CIIDANKA BOOLISKA OO KA HADLAYA XADHIGGA BOQOR BUURMADOW IYO EEDAHA LOO HAYSTO.

https://www.youtube.com/watch?v=Eql35LvGVOA