Boqor Buur-madow oo Shirka Talo-Qaran ee Axsaabta Mucaaradku Qaban-qaabinayaan ku tilmaamay Mid ku Kooban Beel Kaliya

Hargeysa (SLpost)- Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow) oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa labada xisbi-mucaarid ee WADDANI iyo UCID ku tilmaamay  laba xisbi oo ay hoggaamiyaan siyaasiyiin Isku Beel ka soo jeeda, isla markaana shirkan qaran ee ay ku baaqeen uu u muuqdo mid beel kali ahi qabsanayso.

Boqor Buur-madow waxa uu tilmaamay in is-baahaysiga mucaaridka ee dhinaca xukuumadda uu yahay mid ka baxsan heerkii xisbinimadda iyo mucaarid-nimo, sidaas awgeedna ay qaab-beelaysan u weerarayaan Xukuumadda.

buurmadow1Isaga oo Arrimahan ka hadlayey waxa uu yidhi, “Labadan Xisbi hal meel (BEEL) ayay ka soo wada jeedan beel ahaan, waxay u muuqataa si beelaysan oo Xisbinimadii ka baxsan in ay wax u wadaan oo ay isku baahaysteen, waayo shir Qaran oo ay isu bahaystaan ma qabo, Mucaarid-nimona way ka balaadhan tahay arrintu, xisbinnimana way ka balaadhan tahay,” ayuu yidhi boqor Buur-madaw oo khadka telefoonka ugu waramay Somalilandtoday, isaga oo ku sugan magaaladda Dubia ee Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Boqor Buur-madaw waxa kale oo uu sheegay in cida keliya ee awood u leh soo jeedinta shir talo qaran ay tahay xukuumadda haddii la raacayo sida ku qaranka dastuurka, sidoo kalena la xisaabtanka xukuumadda ay xaq u leeyihiin goleyaasha qaranka, “La xisaabtanka Xukuumadda iyo joojinteeda waxaa iska leh golayaasha qaranka, . Marka ay tallo qaran noqoto waxaa iska leh Xukuumadda sida ku qoran Dastuurkeena haddii aynu ixtiraamayno,” ayuu yidhi Boqor Buur-madow.

Boqorku waxa uu si adag u difaacay Xukuumadda, isaga oo ku dooday  inaanay Axsaabta mucaaradku waxba ku yeeli karin Shirka Qaran ee ay ku baaqeen, “Anigu ma qabo inay xukuumadda wax ku yeeli karaan Shirkan qaran ee ay wadaan mucaaridku, cid ku raacaysa iyo cid u imanaysaana ma jirto,” ayuu yidhi Boqorku.

Hadalka ka soo yeedhay Boqor Cismaan Buur-madow, ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee uu si xooggan taageeradiisa ugu garab istaago Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo tan iyo intii ka dambaysay Heshiiskii dhexmaray isaga iyo madaxweynaha ka dib Mucaaradad iyo khilaaf sal-dheeraaday oo uu dhexeeyey isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net