Boqor Bad-Madow oo Raali-gelin ka bixiyey Hadal ka soo yeedhay Boqor Buur-madow

Hargeysa (SLpost)- Boqor Axmed Maxamed Xasan (Bad-madow) oo ka mid ah Hoggaanka Dhaqanka Somaliland, ayaa shacabka raalli-gelin ka siiyey hadal uu sheegay in uu ka soo yeedhay Boqor Cismaan Bur-madow oo sheegay in beeshoodu doonayso in Madaxweyne Siilaanyo loo Kordhiyo sidii horeba loogu Kordhiyey Madaxweynayaashii ka horeyey.

Boqor Bad-madow waxa uu Hadalkaas Boqor Buur-madow ku tilmaamay in aanu ahayn hadalladii lagu yaqaanay Madaxda Dhaqanka balse uu yahay mid isaga ku kooban.

Buur-Bad-madowWaxa kale oo uu sheegay in Somaliland ka gudubtay Habkii Beelaha isla markaana ay u gudubtay Hanaanka Axsaabta, waxaanu hoosta ka xariiqay in muddo Kordhin la sameeyo ay u taallo Komsihanka Doorashooyinka iyo Golaha Guurtid basle Nin Suldaan Sheeganaya ama Beel aanay arrintaasi u ogolin.

“Hadalka Boqor Burmadow ka soo yeedhay ee uu leeyahay Beeshaydu Waxay Doonaysaa in loo kordhiyo Madaxweyne Siilaanyo waa Arrin lala Yaabo, waa Arrin Adag, Waayo Dalka Madaxweynayaashii soo maray Mid kali ahi oo Beeshisu tidhi Madaxweynahayga ha loo kordhiyon ma jirto, Laakiin Hadalka Boqor Burmadoow markii aan Arkay waxay illaa Muuqatay in Hadalkiisasi aanay kula Socon Beeshiisa ama Madaxweynuhu ee uu yahay Mid isaga ku kooban oo uu Warbaahinta mariyey, Shacabka Somaliland aad bay uga yaabeen Arrintaasi, balse shacabka waan ka raaligalinayaa, waxaanan leeyahay waa hadal ku kooban Boqor Cisman Burmadoow oo kali ah ee aanay Cid kale la qabin, waayo Maskaxda sida Fayoow u Fikiraysaa way garan karta hadalka Burmadoow in uu yahay mid u gaar ah ujeeddada uu doono ha kala lahaadee,” Sidaas ayuu yidhi Boqor Bad-madow.

Boqor Axmed Bad-madow oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Somaliland waxay u Gudubtay Hanaan Dimuqraadiga ah ee Axsaabta baddan oo waynu ka guuranay habkii Qabiilka, oo Xisbiyo ayeynu sameysanay oo nin walba xisbigu doono ayuu u codeeya, marka Burmadoow waxan leeyahay Hankaagu ka dhaafo Reer Hebel, Waxa kale oo aan leeyahay Hadalka Burmadoow ka soo yeedhay ma ah Hadalkii lagu yiqiinay Salaadiinta dhaqanka, Arrinta Muddo Kordhinta waxay u taalla Komsihanka Doorashooyinka iyo Gollaha guurtida iyaga Awood u leh in ay kordhiyaan iyo in aanay Kordhin balse Beel ama Saladiinta midna uma taallo.”