‘Boqolkiiba 53 Muslimiinta Adduunku waxay ku nool yihiin Lix Waddan, Boqolkiiba 50 Kiristaanku waxa uu ku nool yahay 11 waddan…’ (SAWIRRO)

Shacabka ku dhaqan dunida, waxa wakhtigan tiradooda lagu qiyaasaa in ku dhow 7 Bilyan oo qof, sida lagu shaaciyey tirakoobkii ugu dambeeyey ee la sameeyey. In kasta oo ay dunida ka jiraan Diimo kala duwan, haddana waxa ugu mudan ee laga soo qaadan karaa Waa Diimaha Samaawiga ah ee bulshada Caalamku badankoodu aaminsan yihiin oo Diinta Islaamku ugu horeyso.

FT_Religions_BigLoolanka ka dhexeeya Diimaha iyo Caqiidooyinka kala duwan, waxa ay culimada Islaamka iyo Khubarada Reer Galbeedku ka siman yihiin in Diinta Islaamku tahay ta ugu korriinka badan caalamka, iyada oo maalin walba ay galaan tobanaan kun. Marka koo yimaaddo Diimaha aan samaawiga ahayn ee ku dhisan Feker Qof abuuray oo ay ka mid yihiin Budhism iyo Hinduism, waxa haysta oo aamisan isla markaana lagaga dhaqamaa labada waddan ee ugu dadka badan calamka adduunka. Waxa jira waddamo adduunka ah oo shacabka ku nooli aaminsan yihiin Diimo iyo caqiidooyin aanay dunida kale la wadaagin.

Diimaha (Caqiidooyinka) Takooran iyo Buddhism-ka

FT_China_UnaffiliatedIn kasta oo khubarada Caalamku ay wali isha ku hayaan heerka kor u kaca dadka aamisan Diimaha aanay cidi la wadaagin ee ku nool qaaradaha Yurub iyo Maraykanka, in ka badan kala badh (62%) 1.1 bilyan-ka qof ee Diimaha ay aamisan yihiin aanay cidi la wadaagin, waxa ay ku nool yihiin waddanka Shiinaha. Sidoo kale, Shiinaha waxa ku nool 50% dadka adduunka ee aaminsan Buddhism-ka oo tiradaada lagu qiyaaso 488 milyan iyo boqolkii 73 dadka adduunka ee dhaqannada iyo Caadooyinkooda Caqiidada u yihiin oo lagu qiyaaso tiradooda 405 Milyan. Iyada oo la ogyahay in dalka Shiinuhu yahay waddanka ugu dadka badan adduunka, isla markaana ay ku nool yihiin boqolkiiba 19 dadka Adduunku, haddana marka la eego xaqa caqiidooyinka ama diinta, waxa ku dhaqan Tirada ugu badan ee dadka Aamisan BUDDHISM-ka, tirada ugu badan ee dadka Diimaha ay aamisan yihiin aan laga haysan dunida inteeda kale iyo tirada ugu badan ee dadka caadooyinkooda iyo dhaqannadoodu diinta u yihiin.

Hinduism

FT_India_HindusMa jirto Diin ama caqiido aan HINDUISM-ka ahayn oo dadka ugu badani ee waddanka Kaliya ku dhaqani aamisan yihiin, isla markaana aan faafin ee ku kooban deegaankii ay ka aasaasantay. In ka badan boqolkii 94 dadka adduunka ee haysta Diinta Hinda oo tiradoodu tahay 1 bilyan oo qof, waxa ay ku nool yihiin waddanka Hindiya oo tirada dadkiisu boqolkii 18 ka yihiin dadka adduunka.

Caqiidooyinka kale

FT_Other-Religions1Hindiya iyo Shiinaha marka laysku daro waxa ku nool tirada ugu badan (boqolkii 63) dadka haysta Caqiidooyinka yar-yar ee ay ka mid yihiin Baha’I, Taoism, Jainis, Shintoism, Sikhism, Tenrikyo, Wicca, Zoroastrianism iyo Qaar kale kuwaas oo dadka aamisan tiradooda lagu qiyaaso 58 Milyan caalamka oo dhan. Hindiya iyo Shinuhu waxay sidoo kale yihiin labada waddan ee ugu waaweyn caalamka marka la eego tirada dadka, waxaana la qiyaasaa inay ku nool yihiin boqolkii 37 dadweynaha Adduunka ku dhaqan.

Muslimiinta iyo Kiristaanka oo ah labada Diimood ee adduunka ugu ballaadhan, ayaa ah Diimaha kaliya ee ku faafay dunida inteeda kale marka loo eego meesha asal ahaan ay ka soo jeedaan oo ah Bariga Dhexe.

ISLAM (MUSLIMS)

FT_World_MuslimsIn kasta oo Islaamka lagu tiriyo in dadka aamisani ku dhaqan yihiin Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika, sida ay qabaan waddamada reer Galbeedku, boqolkiiba 20 ka mid ah shacabka Islaamka adduunka, ayaa ku nool labadaas gobolka. Waddanka Masar oo lagu tiriyo inuu ka tirsan yahay labada gobol ee kor ku xusan, waxa uu ku jiraa derejo ahaan lixda waddan ee tirada muslimiinta ku nooli ugu badan yihiin caalamka kuwaas oo kala ah (Indonesia, India, Pakistan, Bangladesh, Nigeria iyo Masar). Lixdaas waddan marka laysku daro, waxa ay boqolkiiba 53 ka yihiin tirada Muslimiinta Adduunka oo lagu qiyaaso 1.6 bilyan. Masar sidoo kale waa waddanka Kaliya ee Carab ah ee ka mid ah Lixdaas wadan. In kasta oo lixdan waddan dadka ku nool badankoodu yihiin Muslimiin, waxa ay tirada dadweynaha adduunka ka yihiin boqolkiiba 30 marka laysku daro shacabkooda.

Christians (Kiristaanka)

FT_Christians_ElevenDiinta Kiristaanka waxa lagu tiriyaa inay tahay diinta ugu dadka ugu badan waddamada qaaradaha adduunku ku nool yihiin. 11 Waddan oo adduunka ah, waxa ku nool kala badh tirada dadka adduunka ee haysta Kiristaanka oo lagu qiyaaso 2.2 bilyan. 11-kaas waddan ayaa kala ah United States, Brazil, Mexico, Russia, the Philippines, Nigeria, China, the Democratic Republic of the Congo, Germany, Ethiopia iyo Italy, kuwaas oo tirada dadka ku nooli ay boqolkii 38 ka yihiin tirada dadkaadduunka.

Jews (Yuhuudda)

FT_Jews_ResideYuhuudda oo lagu tiriyo dad guur-guurka iyo qaxu daashaday xaalado jiray awgeed oo ay ka mid yihiin Xasuuqii Holocaust ee loogu geystay Jarmalka, aad bay uga duwan yihiin shacbiweynaha adduunka. Waddamada Maraykanka iyo Israel waxa mid kasta ku nool boqolkiiba 40 Yuhuudda adduunka oo tiradooda lagu qiyaaso 14 Milyan. In kasta oo boqolkii 81 Yuhuudda oo dhami ku nool yihiin labadan waddan, haddana marka laysku daro waxa ay Yuhuuddu boqolkiiba 5 ka yihiin dadka ku dhaqan dunida guudkeeda.

Xuquuqda Turjumaadda: SOMALILANDPOST.NET

Xigasho: PEW RESEARCH CENTER