‘Boqolkiiba 40 Shacabka Jabuuti waxay Dhasheen muddadii uu Talada hayey Ismaaciil Cumar Geelle: Warbixin Daah-furta hoggaamiyeyaasha kali-taliska ah ee Afrika

afrikaNairobi (SLpost)- Qaaradda Africa oo lagu tilmaamo dhul-weynaha ugu da’da yar qaaradaha adduunka xagga kheyraadka iyo Dhaqaalaha, ayaa kaalinta kowaad ka gashay liiska hoggaamiyeyaasha Keli-taliska ah ee caalamka, kuwaas oo qaarkood muddo nus-qarni ka badan ku fadhiyeen xukunka.

Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska Mail&Guardian, liiska 10ka hoggaamiye Adduunka ee muddo-xileedka ay kursiga ku fadhiyaan ku dhow yahay Nus-qarniga, waxa qaaradda Afrika u dhashay Lix ka mid ah. Balse, waxa warbixinta lagu soo qaatay 15-ka hoggaamiye ee ugu muddo-xileedka dheer qaaradda Afrika.

Cel-celis ahaan Boqolkiiba 55 shacabka xilligan ku nool dalalkan, ayaa dhashay muddadii ay xilalka hayeen 15-kan hoggaamiye oo uu ku jiro madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Warbixinta oo soo xiganaysa macluumaad laga soo dheegtay xog-ururinta dadweynaha ku nool 15 waddan ee ay hoggaamiyeyaan shakhsiyaadkani, waxa isbar-bar dhig lagu sameeyey horumarka ka tis-qaaday dalalka muddadii ay xilalka hayeen iyo saamaynta xukunkoodu ku keenay adeegyada dhaqan-dhaqaale ee dalalkaas.

Madaxweynaha dalka Rwanda, oo si ku meel-gaadh ah ugu fadhiistay Kursi madaxtinimada sannadkii 2000-kii oo dowlad ku meel-gaadh ah la dhisay, waxa uu xilka hayey ilaa 2003-kii oo madaxweyne loo doortay.

Madaxweynaha Eritariya, Isaias Afwerki, oo xukunka dalkaas qabsaday sannadkii 1991 wakhtigaas oo uu dalkaasi go’ay Itoobiya inteeda kale.

Haseyeeshee, hoggaamiyaha ugu muddada dheer qaarada Afrika, ayaa noqday madaxweynaha Angola, Jose Eduardo dos Santos oo xukunka qabsaday 10-kii September 1979, waxaana lagu tiriyaa in boqolkiiba 85 shacabka dalkaasi ay dhasheen muddadii uu xukunka hayey.

Waxa kaalinta labaad ku jira madaxweynaha Zimbabwe, Robert Mugabe, iyadoo lagu tiriyo in boqolkiiba 83 shacabka dalkaasi ay dhasheen muddadii uu xilka hayey.

HOOS KA DAALACO XOGTAN OO DHAMMAYSTIRAN

afrika