Boqolaal Soomaali oo laga raafay Xaafadda Eastleigh ee Nairobi Iyo W/Arrima Gudaha Oo Sheegay In Uu Socandoono Hawlgalka

Nairobi (SLPOST) Hawlgal ballaadhan oo ay Boliska Kenya ka sameeyeen Xaafadda Eastleigh ee magaalladda Nairobi ayaa waxay ku soo xidheen 657-qof oo Soomaali ah.

thumb

Qabashadaasi ayaa timid, kadib, markii uu xalay qarax ka dhacay xaafaddaasi, kuna geeriyoodeen in ka badan 6-qof.

images (12)

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya, Joseph Ole Lenku ayaa sheegay inuu hawlgalku socon doono ilaa laga soo qabanayo kuwii ka dambeeyey qaraxyaddii xalay ka dhacay xaafadaasi.

Waxa uu ugu baaqay dadweynaha deegaanka inay ciiddanka ammaanka kala shaqeeyaan sugidda ammaanka iyo inay warbixino keenaan si loo soo qabto dadka ka dambeeyey qaraxyadaasi.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland