Booyadaha Biyaha u dhaamiya Xaafadaha Magaalada Hargeysa oo Mudaharaad Shaqo-joojin ah Sameeyey iyo Sababaha ay u nisbeeyeen go’aankooda

Hargeysa (SLpost)- Gaadiidleyda Booyadaha Biyaha u dhaamiya inta badan Xaafadaha Caasimadda Hargeysa, ayaa muddaharaad shaqo-joojin ah maanta oo Khamiis ah bilaabay, isla markaana waxay  Booyadahooda ku ururriyeen Laba Barxadood oo ku kala yaal Duleedka Huteelka Crown ee Galbeedka Hargeysa iyo goob bannaan oo ku ag-taalla Huteelka Shiraaqle ee Bariga magaalada Hargeysa.

Wadayaasha Iyo Mulkiilayaasha Booyadaha Biyaha u dhaamiya Hargeysa, ayaa shaqo-joojinta kaga cabanaya cashuur la sheegay in dawladdu ku kordhisay Booyadaha Biyaha ee Caasimadda Hargeysa, kuwaasoo sheegay in cashuurta waddo-marista oo hore u ahayd 80.000 kun oo lacagta Somaliland ah, laga dhigay 430,000 kun oo shilinka Somaliland ah, taasoo ay sheegeen inay culays ku tahay oo aanay bixin karaynin.

Booyadaha Hargeysa (2)Cashuurta ay Gaadiidlayda Booyadaha Hargeysa cabashada ka muujijyeen ahaa ah Cashuurta waddo-marista iyo takaaliifta la dul-saaray dhawr bilood ka hor, iyada oo Lacagta ay ka cabanayaan qayb ka tahay Lacagta loogu talo-galay dhismaha Jidka isku xidha Ceerigaabo iyo Burco, taasoo ay Golaha Wakiillada Somaliland ansixiyeen, Madaxweynuhuna saxeexay dhaqan-gelkeeda. Waxaana hore cabasho uga muujiyey korodhka cashuurtaas Baslayaasha Hargeysa oo ay Wasaaradda Maaliyaddu ka dhintay culayska cashuureed ee lagu kordhiyey guud ahaan Gaadiidka iyo Ganacsiyada kala duwan ee kale qaarkood.

Booyadleyda shaqo joojinta ku dhawaaqay oo la waydiiyay tirada booyadahooda biyo dhaaminta joojiyey ayaa ku jawaabay; “Halkan (Duleedka Crown Huteel) laba boqol iyo dheeraad Gaadhi oo Boyado ah baa jooga, dhinaca Barriga ee Huteel Shiraaqle- intaas in leeg, muddaharaadkana waannu wadaynaa illaa inta ay Xukuumaddu ka noqonayso cashuuraha ay na saartay.” Sidaa waxa yidhi Xasan Axmed oo ka mid ah Wadayaasha Gaadiidka Booyadaha Hargeysa Biyaha u dhaamiya oo Cabashadooda warbaahintu wax ka weydiisay.

Waxaanu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Biyooleyaashu waxay leeyihiin annagu biyaha waanu ku qaaliyayn karnaa Macaamiisha, laakiinse waxaanu doonaynaa inaanaan taas ku kicin ee aanu ka cabano cashuurta xad dhaafka ah.”

Agaasimaha Xafiiska Badbaadada iyo Nabadgelyada Caasimadda ee dawladda Hoose ee Hargeysa C/qaadir Cumar Xaashi oo Weriyeyaashu kula kulmeen goobta Booyaduhu ku muddaharaadayeen ee ay Gaadiidkooda isugu geeyeen, ayey Suxufiyiintu weydiiyeen waxay arinta cabashada Booyadaha keentay  ay ka qabteen illaa hadda, hase-yeeshee, waxa uu ku dooday in waqtigaas uu shalay galab goobtaa tagay ay ujeeddadu u tagay la xidhiidho xal u helidda cabashada oo uu sheegay inuu isla shalay galab ogaaday. Waxaanu u sheegay Gaadiidlayda Booyadaha Biyaha Hargeysa in hoos loo eegi doono cabashadooda intii  suurtogal ah

Booyadaha Hargeysa (1)Cabdi Cali Dheere oo ka tirsan Wadayaasha Booyadaha Biyaha u dhaamiya Xaafadaha magaalada Hargeysa, ayaa Weriye ka tirsan Shabakadda Aftahannews uga warramay arrinta cabashada keentay, waxaanu yidhi; “Intii hore waanwaan iyo wadahadal baannu islahayn wax ku dhammeeya, laakiin wadahadalkii illaa Wasiirka Maaliyadda waannu la gaaday, waxba la’aan baanannu kala soonoqon, keliya waxa u hadal noogu koobay cashuurtu waa idinku waajib ee iska bixiya. Markaa, annaguna intii aannu Shicibka jilicsan ee aannu u dhaaminno aannu dul-saari lahayn lacag ee aannu Biyaha ku qaaliyeyn lahayn waxaan go’aansannay inaannu shaqadaba iska joojinno.”

Cabdi Cali oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey intay cabashal inay Cid dawladda ka tirsani la hadashay iyo in kale iyo waxa u qorshaysan haddii cabashadoodan shaqo-joojinta ahi waxba ka beddeli waydo waxay ka cabanayaan.

Waxaanu Cabdi Cali oo su’aashaa ka jawaabayaa yidhi; “Maanta  illaa caawa cid dawlad too rnagala hadsanaan arag, welina waa dhawraynaa. Ta aad leedahay maxaa idiin qorshaysanna, Annaga waxa nag go’an inaannaan shacabka dul-fuulin o aannaan Biyaha ku qaaliyeynin, haddii ay cabashadayadu waxba beddeli weydana inaanaan shaqayn ee ay Baabuurtayadu sidaa noogu yaallaan baa noo qorshe ah oo naga go’an.”

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo ay Weriyeyaashu isku dayeen maanta inay arrintan wax ka weydiiyaan, ayaanay u suuragelin, ka dib markii ay ka waayeen Xafiiskiisa, sidoo kalena ay waayeen Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas oo la sheegay inuu Nairobi safar ugu maqan yahay. Isla markaana, ay Agaasime-waaxeedyada dhinaca cashuuraha ee Wasaaraddaasi qaarkood ka gaabsadeen inay ka hadlaan cashuurta cabashada Booyadlayaasha keentay. Wasiirka oo aannu isku daynay inaannu taleefan ku helno caawa ayaanay sidoo kale noo suuragelin, ka dib markii aannu la kulannay taleefankiisa gacanta oo xidhan.

Shaqo-joojinta Booyadaha Biyaha Hargeysa oo saamayn ballaadhan ku yeelatay shacabka Caasimadda ee ay Biyaha u dhaamin jireen iyo weliba guryaha la dhisayo, ayaan illaa hadda aanay Xukuumaddu waxba ka qaban, isla-markaana aanay ka hadal. Inta badan dadaweynaha ku dhaqan Caasimadda Hargeysa ayaa la sheegaa inaanay boqolkiiba 75% qiyaas ahaan aanay helin Biyo Qasabadeed oo ku filan.

SOMALILANDPOST.NET