BOORAME:  Kalfadhigii Xildhibaanada Golaha Deegaanka oo Furmay iyo Ramaax oo la Dardaarmay

 

Boorama(SLpost) – Kalfadhigii xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Boorama ayaa maanta uga furmay xarunta dawladda hoose ee Boorama.  Waxaa kalfadhiga ka soo qayb galay 8 xildhibaan oo ka mid ah mudanayaasha golaha degmada. Kulankaasi waxaa goob joog ka ahaa maamulka degmada iyo badhasaabka Awdal Mr Ramaax.

 

Maayarka Boorama,  Maxamed Xuseen Maydhane, ayaa sheegay in kulankaasi lagu falanqayn doono qaybo ka mid ah baahiyaha degmada iyo dawladda hoose oo ay ka mid yihiin: Isku shaandhaynta guddi hoosaadyada, Ururinta cashuurta iyo horumarinta dakhliga, fayo dhawrka magaalada, arrimaha Shaqaalaha dawladda hoose, tiro koobka guryaha iyo dhulka banaan iyo miisaaniyadda dawladda hoose. “Waxa maanta halkan innooga furmay kalfadhigeennii sharciga ahaa oo aynnu ku falanqayn doonno qodobo muhiim u ah degmada iyo afartii bilood ee aanu xilka haynay wixii u qabsoomay degmada. Lixdaa qodob waxa ay kala yihiin; isku shaaandhayntii gudi hoosaadyada, dhakhli kordhinta iyo horumarinta cashuuraha, fayadhawrka ayda ku badatay magaalada, arrimaha shaqaalaha dawladda hoose, tirakoobka guryaha iyo dhulka banana, iyo miisaaniyaddii dawladda hoose, lixdaa qodob oo wixii aad go’aamiseen la fullin doono ayuu kalfadhigu ku furmayaa, waxaanna ugu horaynaysa in aannu afartii bilood wixii aannu qabannay aannu idiinka warbixinno” ayuu yidhi maayar Maydhane

 

Badhasaabka Awdal Mudane Maxamuud Saleebaan Ramaax, ayaa kulanka ka sheegay inay haboonayd in kulankani hore u qabsoomi si baahiya bulshada wax looga qabto. Wuxuu kula dardaarmay mudaneyaasha inaan laga maqnaan kulamada balse laga qayb qaato fadhiyada arrimaha bulshada lagu horumarinayo. Isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “aad baan ugu faraxsanahay in aan ka soo qaybgalo kalfadhigga golaha deegaanka ee Boorame oo runtii ay tahay muhiim, wuu raagay baan anigu tabayey laakiin waxa ay ahayd in hore loo qabto, haseyeeshee maanta haddii uu idiin suurogalay aad baan idiinku mahadnaqayaa. Waana ta loo baahan yahay kolba magaaladu waxa ay u baahan tahay in laga wada hadlo, in la isku googooyo maaha. Aad baan ugu mahadnaqayaa xildhibaanada iyo maamulku sida ay isugu yimaadeen oo waata keenta in mararka shirarku furmi waayaan ama laga shikiyo in uu furmo in ay hawlaha magaaladu socon waayaan”

 

 

 

Somalilandpost, Boorame-Somaliland