Boorame: Jamaacadda Camuud oo lagu soo kordhiyey Kulliyadda Master Degree iyo PHD

Boorama (SLpost)-Jamaacadda Camuud ee magaaladda Boorama, ayaa maanta shaacisay inay sannad jaamacadeedkan  bilaabayso waxbarashadda sarre ee Master Degree iyo PHD-ga.

 Munaasibad lagu soo bandhiggay qorshaha cusub ee jamaacadda Camuud ay ku bilaabayso waxbarashadda heerka sarre oo lagu qabtay xarunta jamaacaddaas ayaa waxa ka qaybgalay  wasiiradda wasaaradaha Waxbarashadda iyo Tacliinta sarre Marwo Samsam Cabdi Aadan, Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid, Caafimaadka Dr Xuseen Xoog  Muxumed, Beeraha Prof  Faarax Cilmi Geedoole

Guddoomiyaha jamaacadda Camuud Prof Saleebaan Axmed Guuleed oo munaasibadda kaga dhawaaqay qaybaha cusub ee waxbarashadda ee tacliinta sarre ee jamaacadda soo kordhisay ee ah Mister Digriga iyo PJD waxa uu ka warbixiyey marxaladihii ay jaamacadu soo martay iyo mudadii saddex iyo tobanka sanno ahayd ee ay jirtay. Isagoo sidoo kalena madasha ka xusay in kordhinta qaybahan cusub ee waxbarashadda sarre ay ku dhiiri-geliyeen jaamacado kale iyo xukuumada Somaliland.

Prof Saleebaan Axmed Guuleed ayaa wax uu sheegay inay sannadkan gudihiisa ay bilaabayaan labadan qaybood ee ku soo kordhay waxbarashadii ay jaamacaddu bixin jirtay.

Sidoo kale Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta sarre Marwo Samsam Cabdi Aadan oo munaasibadaasi ka hadashay ayaa sheegtay inay xukuumad ahaan ku gacan siin doonaan maamulka jaamacadda hirgelinta qorshaha cusub ee waxbarasho.

Wasiirka wasaaradda Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid ayaa isaguna munaasibadda wuxuu ka sheegay inay wasaaradda Caddaaladdu qaadan doonto 40 ka mid ah ardayda sannadkan ka qallin-jabinaysa kulliyadda jaamacadda Camuud, isla markaana ay ka hawlgali doonaan qaybaha garsoorka iyo caddaaladda ee wasaaradda.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Xuseen Xoog iyo Wasiirka wasaaradda Beeraha Prof Faarax Cilmi Geedoole ayaa hadalo ay halka ka jeediyeen ayay ku sheegeen inay wasaaradahoodu kaalin mugleh ka qaadan doonan mustaqbalka dhow sidii ay isku barbartaagi lahayeen jaamacadda waliba kulliyaddaha Beeraha iyo Caafimaadka ee jamaacadda Camuud.

Sheekh Cabdillaahi Sh. Cali Jowhar oo ah sheekha baladka magaaladda Boorama ayaa isna munaasibadda ka soo jeediyey in dadka haysta shahaadooyinka aqoonta sarre ee tacliinta lagu tixgeliyo sida ay uga soo bixi karaan masuuliyadda shaqaalenimo, isla markaana aan loo eegeen qaab degmo ama gobol.

Somaliland Post.Net