BOORAME: Dhallinyaro Taageertay Musharax Saleebaan Xaglotoosiye

Hargeysa(SLpost) – Dhallinyaro shir jaraa’id ku qabatay magaalada Boorama, ayaa taageero u muujiyay musharaxa madaxweyne xigeenka Kulmiye Mudane Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye oo u taagan jagada madaxweyne xigeenka.

 

Dhalinyaradu waxay sheegeen in gobolada galbeedka Somaliland soo mareen madaxweyne iyo madaxweyne xigeen, sidaasi darteedna ay hadda xilka u ogol yihiin walaalahooda gobollada bariga Somaliland.

 

Waxay sheegeen in doorashada madaxweyne xigeen ee Xaglotoosiye saacidayso midnimada Somaliland iyo in doorashadu ka dhacdo gobollada bari ee aan doorashada laga qaban jirin, isagoo ugu baaqay madaxweyne xigeenka ama reer Awdal in hankoodu madaxweyne xigeen dhaafo.