Boorame: Agaasimaha Guud ee Cadaaladda oo Daah-furay Barnaamij Kaalmo Sharci ah oo Danyarta lagu taageerayo

 

Borama (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Somaliland, Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil, ayaa magaalada Boorama ka daah-furtay barmaamuj ku saabsan Arrimaha garsoorka oo dadka danyarta ah loogu fidinayo taakulo dhanka sharciga, kaasoo ay wasaaraddu doonayso in ay ku baahiso dalka oo dhan.

Agaasimaha guud waxa uu daah-furka barmaamujkan kaga dhawaaqay kulan lagu qabtay Magaalada Boorama oo ay ka qaybgaleen madaxda laamaha cadaalada ee gobolkaasi, qaybta sharciga ee Jaamacadaha iyo marti-sharaf kale.

Agaasime Cabdiraxmaan oo hadal ka jeediyey furitaanka shirkaasi ayaa ka waramay qorshaha wasaaradda ee fidinta kaalmooyinka dhanka sharciga dadka danyarta ah lagaga caawinayo, waxaanu intaasi raaciyey in ujeeddada kulankan lagu qabtay gobolka Awdal ay tahay in la daadejiyo helida cadaalad dadku u siman yahay.

“haddii ay adeegyaddeenii ka shaqeeyaan caasimada oo qudha oo aynu halkaa isku waraysano, goboladii way dayacmayaan, markaa Wasaaradda cadaaladda waxa ka go’an in la baahiyo adeegyada marin u helida cadaaladda, dastuurkeenuna waa uu waajibinayaa in qof kasta oo muwaadin ah iyo qof walba oo somaliland ku nool in aan dacwadaha qaar maxkamadaha lagaga hor oogin, isagoo haysan qareen u doodda, markaa waxa loo baahan yahay in aynu abuurno dal ka lacagta haysta iyo qofka aan haysan cadaalad siman heli karaan”ayuu sheegay Cabdiraxmaan Musaabaqo, isagoo xusay in hirgelinta arrintaasina u ku talogal dhaqaale iyo qorshe u baahan tahay, wasaarad ahaana aanay u yaraysanayn dedaalkeeda.

“Qorshahan kaalmada sharcigu haddaan gobolada la gaadhsiin waxay noqonaysaa caqabad kale oo ina hortaala oo u adeegaysa cadaalad-daradii, markaa si kastaba ha u adkaato’e waa in aan dedaalka saarnaa sidii adeegga cadaaladda bulshada loo gaadhsiin lahaa”ayuu raaciyey.

Faahfaahinta Warkan Kaga Bogo Muuqaalka Hoose