Boorama: Maayarka oo Kormeer ku Tagay Dugsi Burbur Badani Ka Muuqdo oo Qarka u Saaran Inuu Dumo

 

Boorama(SLpost)- Duqa cusub ee degmada Boorama Maxamed Xuseen Maydhane, ayaa waxa maanta kormeer ku tagay magaalo Cad oo ka tirsan magaalada Boorama, halkaasi oo uu kula kulmay dugsi burbur badani ka muuqdo halisna ugu jira inuu dumo.

 

Dugsiga waxaa wax ka barta arday ku siman 300, kuwaasi oo ku hoos jira dugsi gidaaraddiisa ay ka muuqdaan dildilaac badan oo sababi kara inuu dumo. Duqa Boorama ayaa cidkasta oo ku lugleh taakulaynta bulshada ugu baaqay inay gacan ka gaystaan dib u dhis lagu sameeyo dugsigaasi.

 

Maayarka oo muddo ku siman ilaa 4 bilood joogay xilka ayaa sidoo kale kormeeray xannaanooyin uu sheegay inay muddo kooban ugu dhammaadeen, kuwaasi oo haatan farta laga qaaday.