Booqashadii Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo iyo Stockholm. “Waxaan ahay qoraa, murtidaan qalaa, kala qaybiyaa, qaarba meeldhigaa”

Maalintii shalay ee taarriikhdu ahayd 11/11/2012 ayuu Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guribarwaaqo)booqasho ku yimi, Caasimadda dalka Sweden. Cabdiraxmaan waxa uu ka soo kicitimay caasimadda labaad oo uu kaga qayb galay kulankii sannadlaha ahaa ee macallimiinta afka soomaaliga ka dhiga dugsiyada dalalka waqooyiga Yurub. Kulankaas oo lagu martiqaaday Cabdiraxmaan, waxa uu dhammaaday maalintii sabtida ee taariikhdu ahayd 10/11/2012. Isla maalintii xigtay ee axadda ayuu casharro ka jeediyey magaalada Stockholm. Casharradaas oo isugu jiray kuwo uu kaga hadlay guud ahaan afafka iyo laba cashar oo ku saabsanaa barnaamij lagu kala saaro badaha maansooyinka oo la yidhaa Laaxinjire iyo Cashar kale oo uu isugu jirey Hal-bixinta Erayada Kombuyuutarka iyo magacyada soomaalida.
Haddaba inta aynaan halkaa dhaafin waa kuma Cabdiraxmaan C. Faarax (Barwaaqo)? Isaga oo tilmaamaya qofka uu yahay waxa uu yidhi:
” Waxan ahay qoraa, Murtidaan qalaa, kala qaybiyaa, Qaarba meel dhigaa, Qirahaan duraa, Miid qunbaysanoo, Hal-abuur qiraan, Ku qulaamiyaa, Waxaan ahay quraar, Qorigii tifliyo, Eraygii qarriban, kaan qaablahayn, Anigaa qorqora, Hadalkii qummanna, Ma qalloociyee, Mahadhaan qoraa, Waxan ahay qoraa, qalabkaan sitana, qalin baan idhaa, Waa qod aad u weyn, Qaro geed lahoon, la qarqoori karin, Marna waa qunbulad, Qaraxweyn lihiyo, Dacar qaaqahoo, Qalin-duurle neceb.”
Cabdiraxmaan, waxa uu qoray buugaag dhawr ah oo aad u tayo fiican, waxaana ka mid ah: “Abwaanka cudurada dadka iyo duunyada, Waxqabadkii iyo mahadhadii Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), Hal-bixinta Erayada Kombuyuutarka, Dirkii Ina Sanweyne, Magac bilaash uma baxo, Sooyaal, Ina Cabdille Xasan Ma Sheekh buu ahaa Mise?. Waxa kaloo uu qoraa, warside caan ah oo uu isagu soo saaro, lana yidhaa Hal-Aqoon. Waxbarashadiisii dugsiga sare, intii ka danbeysay waxa uu waxbarasho u tegey dalkii la odhan jiray Midawga soofiyeeti, todobaatanaadkii. Siddeetamaad-kiina Waxa uu degganaa dalka boqortooyada Sacuudiga oo uu ka shaqayn jiray waana meesha uu qoraalada xooggooda ku bilaabay. Muddo ku dhow labaatan sanno waxa uu deggenaa Kanada, oo uu aqoon sare oo luuqadaha ah ku dhammaystay, isagoo xoogga saaray intii danbe in uu afsoomaaliga aad u nooleeyo. Xilliyadan danbe waxa uu deggenyahay magaalada Hargeysa.
Intaasaa innagaga filan qof ahaan waa kuma Cabdiraxmaan Guribarwaaqo. Aan ku soo noqonno kulan-aqooneedkii shalay iyo Bare sare Cabdiraxmaan. Waxa goob joog ahaa Cumar Xaaji Bile Adan oo ah qoraa, aad u dhexgalay naxwaha afsoomaaliga, Yuusuf Xaaji Cabdilaahi Xasan (Sheekhalcasri) oo ah qoraa buugaagtiisu ay kor u dhaaftay soddon buug, una badan buugaagta waxbarashada dugsiyada hoose, dhexe iyo sareba. Maxamed Xirsi Guuleed, oo ah qoraa, gabayaa, ahna guddoomiyaha Akademiyada afka soomaaliga oo dhowaan lagaga dhawaaqay magaaladan Stockholm. Axmed-Keyse Cali Rooble oo ah qoraa da’yar qorayna buugag tayo sare leh. Oday Ismaaciil Ibraahin oo ah waaya-arag Ruug-caddaa taariikh badan haya, ahna odayaasha reer Stockholm baa ka mid ahaa dadkii goobta ku sugnaa. Gaar ahaan Ismaaciil waxa uu aqoon fiican u lahaa ilaa todobaatanaadkii iyo seddeetamaadkiiba qoraa, Cabdiraxmaan Barwaaqo.
Waxa uu bilawgiiba aad ugu dheeraaday Hal-bixinta erayada Kombuyuutarka, oo uu tilmaamay in uu bilaabay siddeetamaadkii kambuyuutarka oo xilligaa dunidaba ku cusbaa. Waxa uu sheegay, in wax badani isbedeleen oo wixii loo yaqaanay bilawgii, maanta aan loo aqoon—una baahantahay in lala jaanqaado. Waxa runtii la dareemayey in uu qoraagu hawl badan geliyey buuggaas, oo markii danbe soo baxay. Erayada aan ka xusi karo ee buuggaa ku jira waxa ka mid ah, Qayd iyo Sikiye. Eray kasta waxa uu ku saleeyey dhaqankeennii soomaalida, taasoo xiise gaar ah lahayd. Magacbilaash uma baxo ayaa aad loo qaadaa dhigay oo magacyada afsoomaaliga iyo macnaha ay xanbaarsanyihiin ayuu aad u kala dhigdhigay, sharxay oo si mug leh u bayaamiyey magacyo dadku aanay horeba macnahooda u aqoon sida: Gaas iyo Madar, oo dadka qaar moodayeen in Gaas ay ku aroorayso gaasta la shito, Madar na uu yahay roobka. Labadaba waxa uu si fiican u faahfaahiyey in ay yihiin magac soomaali qumman oo badhax la’ ee aanay gaas la shito iyo roob toonna ahayn.
Ugu danbayntii su’aalo muhiim ah ayaa la weydiiyey qoraaga. Waxaana ka mid ahaa: Kaydkii afsoomaaliga ama kayd ahaanba maanta halkee laga helayaa? Afsoomaaliga ma ka werwer qabtaa in uu dhimanayo? Qaybta afka ee tiraabta ma loo samayn karaa barnaamij lagu saxo sida Laaxinjire? Magacyada Shuun iyo Dooro oo dhib badani ka taagantahay, waa maxay macnahooda rasmiga ah iyo sida ismaandhaafku ku yimi? Diiwaankeennii soomaalida maxaa geeyey Indiyana/USA? Sidee aqoontan eraybixinta loo gaadhsiin karaa manhajyada dugsiyada deegaanada soomaalida? Weydiimahaas oo uu si faahfaahsan uga warceliyey qoraagu waxa aan ku soo koobayaa kulankaas qiimaha lahaa ee ka dhacay Stockholm, maalintii shalay.
Qoraalkan waxa diyaariyey Ururka Qoraaga Somaliland oo ah ururka ku soo dhoweeyey qoraaga magaaladan Stocklholm. Wuxuna Ururka qoraagu mar kasta dhiirrigeliya, taageeraa, wixii aqoon iyo waaya-aragnimo ahna kala hadhaa qoraayada, aqoonyahanka, odayaasha iyo cid kasta oo haysa wax waxtar u noqon kara dadka soomaalida.
Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)
Sweden