Booliska TFG iyo AMISOM oo soo saaray Hub ay Al-Shabaab ku kaydsatay Muqdisho

Muqdisho (SLpost)- Ciidammada Midowga Afrika (AMISOM) ee ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Ciidammadooda oo garabsanaya Booliiska Dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya ay dibadda u soo saareen Hub badan oo ay Malleeshiyada Al-Shabaab ku keydsanaysay Suuqa Bakaaraha ee magaaladaas.

Hubka kaydka ah ee ay AMISOM iyo Booliska DKMG ahi soo saareen ayaa u badan Gantaalo ay kasoo saareen Suuqa weyn ee Bakaaraha imcihii lasoo dhaafay, iyagoo sheegay in hubka loo adeegsan jiray in laga sameeyo walxaha qarxa. War qoraal ah oo shalay ka soo baxay Taliska Ciidammada AMISOM ee Muqdisho, ayaa lagu sheegay in Ciidamada Booliiska Soomaaliya ay howlgallo lagu raadinayo hub iyo waxyaabaha qaraxa ay ka sameeyeen goobihii ay ka baxday Al-shabaab.

Hubka la soo saaray ayay AMISOM ku sheegtay inay gaadhayaan 137 Gantaal oo cabbirkoodu yahay 155mm. Iyadoo Afhayeenka AMISOM uu sheegay in tan iyo intii ay Al-shabaab la dagaallamaysay dowladda KMG ah iyo ciidamada AMISOM ay sheegi jirtay inaanay haysan madaafiic ay wax ku duqeyso. “Al-shabaab waxay kaydsadeen hub u badan iyo rasaas. Hubkan lasoo saaray wuxuu caddeyn u yahay sida ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ay uga shaqeynayaan sidii ay dibadda u soo dhigi lahaayeen waxyaabaha ay Al-shabaab ku qarsatay Muqdisho si ay mar kale dhibaatooyin ugu abuurto. Waxaa la joogaa xilligii ammaanka magaalada la adkeyn lahaa, gaar ahaan Suuqa weyn ee Bakaaraha oo ah halbowlaha Ganacsiga Caasimadda, iyadoo dadweynuhu ay billaabi doonaan inay dib ugu Ganacsadaan.” ,” ayuu Afhayeenka AMISOM Lt Col. Paddy Ankunda ku yidhi War-Saxaafadeedkiisa. Afhayeenka AMISOM wuxuu sheegya in ciidamadooda oo ka kooban 9,000 askari ay ka shaqeynayaan sidii ay gacan u geysan lahaayeen sugidda ammaanka Muqdisho, halkaasoo ay dhawaan soo gaadheen dad barakacayaal ah oo doonaya gargaar bani’aadamnimo.

Col. Ankunda wuxuu sheegay in ciidamadooda ay ka shaqeyn doonaan sidii ay uga nadiifin lahaayeen magaalada Muqdisho hubka ku qarsoon, isagoo qiray inay weli jiraan culeys ay kala kulmayaan sugidda ammaanka magaalada Muqdisho.